berberatoday.com
Wasiirka Ciyaaraha Oo Xasan Waraabe-Cadde Ku Eedeeyay Inuu Ku Shaqeysto Magaca Olombikada Somaliland Oo Uu Mar Guddoomiye U Ahaa
May 23, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Md. Cabdilaahi Faarax Maydhane ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray Shalay, waxa uu si weyn ugu dhaliilay Guddoomiyihii hore ee Olompikada Somaliland Mr. Xasan Waraabe-cade, waxaana uu ku tilmaamay mid ku fashilmay xilkaas.

Warka CiyaarahaWar-saxaafadeedkan oo Wasiirk oo dhamaystiran, ayaa u qornaa sidan, “Waxa jira in Guddoomiyihii hore ee Olampikada Somaliland Mr. Xasan Maxamed Cabdale (Xasan Waraabe-cade) uu ku shaqeysto magacaasi oo uu hore uga tegay kadib markii uu ku fashilmay, iyada oo ay caado u noqotay inuu ku shaqeysto magaca ciyaaraha tan iyo sannadkii 1991-kii, iyada oo uu kula xidhiidho ururada ciyaaraha ka shaqeeya ee ka jira degmooyinka iyo magaalooyinka kala duwan ee qaaradda Yurub, kuwaas oo uu ka soo qaado qalab ciyaareed oo aanu marnaba soo gaadhsiin dadkii lagu soo caawiyay ama wasaaradda ciyaaraha, balse uu ku iibiyo dalka guddihiisa kuwaas oo uu qaarkood ka iibiyay Wasaaradda. Xasan Waraabe-cadde waxa loo magacaabay  bishii December ee sannadkii 2013-kii inuu noqdo guddoomiyaha Olombikada Somaliland, waxaana lala magacaabay 6 xubnood oo kale oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeen iyo Xoghaye Guud. Guddidan ayaa muddadoodu ahayd sannad iyo badh ku meel-gaadh ah, waxaana waajibaadkooda ka mid ahaa, Inay diyaariyaan shuruucda kala duwan ee lagu maamulayo ciyaaraga dalka, Inay diyaariyaan doorashooyinka xidhiidhada kala duwan ee ciyaaraha, Inay xidhiidh la sameeyaan dhammaan ururada caalamiga ah ee ka shaqeeya ciyaaraha, Inay ka shaqeeyaan kor-u-qaadida iyo tayeyna ciyaaraha kala duwan ee ciyaaraha dalka.  Waxa Wasaaraddu siisay guddida Olombikada Somaliland ee Xasan Waraabe-cade Guddoomiyaha u yahay Xafiis ay u dhan yihiin dhammaan agabka looga baahan yahay. Xasan Waraabe-cade waxaa ku adkaatay inuu fadhiisto Xafiiskaasi iyo inuu shir iskugu yeedho xubnihii kale ee guddida Olompikada, iyada oo xubnahaasi marar baddan ay u soo cawdeen Wasaaradda gaar ahaan Wasiirkii hore Md. Cali Siciid Reygal iyo Agaasimaha guud ee hadda xilka haya Md. Maxamed Xuseen Dhabeeye iyaga oo ka cabanaya inaan guddoomiyahoodu iskugu yeedhin guddidooda iyaga oo sheegay inay dhawr jeer la hadleen oo ka balameen inay isu yimaadaan, balse Xasan Waraabe-cade dhankiisa ay ka baaqatay, Xubnahaaasi guddida oo ahaa dad sharaf iyo karaamaba leh isla markaana ehel u ah ciyaaraha, niyadna u hayay inay wax-qabtaan ayaa waxa ku dhacay niyad-jab iyaga oo ka xishooday inay is-casilaan waxaana ay baddankoodu ku noqdeen dalalkii ay ka yimaaddeen oo ahaa England iyo Canada”.

Xubnaha Guddidii hore ee Olompikada Somaliland

Xasan Maxamed Cabdalla (Xasan Waraabe-cade) – Guddoomiye

Cabdiraxmaan Maxamuud Dhoore            – Guddoomiye Xigeenka 1-aad

Yaasiin Qalinle Kaahin – Guddoomiye Xigeenka 2-aad

Mubaarik Faarax Yuusuf (Xadhigle) – Xoghaye Guud.

Siciido Cabdiraxmaan Jaamac (Cadhoole) – Xubin

Cali Jibriil Xirsi – Xubin

Maxamed Sacad Buuni – Xubin

“Xasan Waraabe-cade markii uu ku fashilmay xilkan wuxuu bishii November ee sannadkii 2015-kii uu iska casilay xilkaasi si iskii ah, isaga oo is casilaadaasi mariyay saxaafadda, ka Wasaarad ahaana waanu ka aqbalnay maadaama marka horeba aanu ka xishoonaynay inaanu xilkaasi ka qaadno. Haddaba Xasan Waraabe-cadde kuma uu joogin is-casilaadiisii balse mar walba waxa uu sheegtaa xilkaasi uu iska casilay ee ah Guddoomiyaha Olompikada Somaliland.  Sidaasi darteed waxaanu u sheegaynaa dhammaan daneeyayaasha ciyaaraha Somaliland iyo dunnidaba in aanu Xasan Waraabe-cadde wax xil ah oo Guddoomiyaha Olompikada Somaliland aanu ahayn, ee uu caadeystay inuu ka been abuurto. Ugu dambeyntii, waxaanu faraynaa saxaafadda iyo cidkasta oo ku ab-tirsata bahda ciyaaraha Somaliland in aanu wax xil ah ka haynin Xasan Waraabe-cade Wasaaradda dhallinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland, isagana waxaanu la socodsiinaynaa inay soo dhammaatay dulqaadkii iyo xishoodkii aanu u haynay, ee wixii hadda ka dambeeya aanu la tiigsan doono sharciga”.

Allaa Mahad Leh

Cabdilaahi Faarax Maydhane

Wasiirka WDHC & Dalxiiska JSL.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews