berberatoday.com
Guddoomiyaha WADDANI Oo Qurba-joogta Maraykanka Waydiistay Inay Xisbigiisa U Qaadhaamaan Guryo, Jagooyin Iyo Dahab Wixii Ay Heli Karaan
May 24, 2016 - Written by Berbera Today

Waxyaabaha aanu halkan (Maraykanka) u nimid waxa ka mid ah Dhaqaale ururin, markaa Xisbiga Ciddii Qaadhaan Siinaysaa wuu aqbalayaa…” Guddoomiye Cirro

USA(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Qurba-joogta Reer Somaliland ee ku dhaqan Dalka Maraykanka, gaar ahaan Taageerayaasha Xisbigaasi ka codsaday inay Xisbiga ku taageeraan wixii ay Hanti haystaan, sida Guryaha, Jagooyinka Bannaan iyo Dahabkaba.

Muuqaal lagu baahiyey Baraha Bulshada, ayaa waxa ka soo muuqanaya Guddoomiye Cirro oo isagoo Dhoolla-caddeynaya la hadlaya Taageerayaasha WADDANI oo lulaya Calanka Calamada Somaliland, Maraykanka iyo ka Xisbiga WADDANI, waxaanu Guddoomiyuhu uu hadalka uu u jeediyay Dadka Madasha Fadhiya ugu sheegay in Ujeeddada Safarkooda Maraykanku tahay inay dhaqaale Ururin, sidaa daraadeed Xisbigu soo dhaweynayo Cid kasta wax ugu tabarucda.

Guddoomiyaha oo arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Waxyaabaha aanu halkan (Maraykanka) u nimid waxa ka mid ah Dhaqaale ururin, markaa Xisbiga Ciddii Qaadhaan Siinaysaa wuu aqbalayaa. Qaadhaanka waxa ka mid ah Lacagta, Guryaha, Jagooyinkaa ka mid ah, Dahabkaa ka mid ah.”

Cirro

Guddoomiye Cirro oo dhiiri-gelinaya Dadka uu khudbadda u jeedinayay, ayaa Tusaale u soo qaatay Nin Madasha fadhiyey oo uu sheegay inuu Xisbiga Qaadhaan ahaan u siiyey Jago ku taalla Hargeysa, “Jagooyinkaa Rag halkan (Maraykanka) joogaa oo bixiyeyba Xisbiga waa ka mid..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Cabdi Askari oo kale wuxuu bixiyey Jago-weyn oo ku taalla Xaafadda Star (ee Hargeysa), Ciddii Guryaha ku dareysaana way Mahadsan tahay.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews