berberatoday.com
Dhaqdhaqaaq Ka Socda Harggeysa oo Sirdoonka Turkigu Ugu Adeegayo Hirgelinta Qorshaha Somaliweyn
May 24, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Sirdoonka dawladda Turkiga, ayaa dhaqdhaqaaqooda muddooyinkan dambe laga dareemayey Caasimadda Somaliland ee Hargeysa xilli ay Xukuumadda Turkigu isu diyaarinayso wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo dib uga bilaabmaya dalkeeda 31 bishan May ee aynu ku jirno.
XUBNO ISKU DAMUL-JIDIID AH
Macluumaad Aftahannews helay, ayaa tibaaxaya, isla markaana xaqiijinaya dhaqdhaqaaqan Sirdoonka Turkiga, ayaa waxay sheegayaan in hawlaha ay Somaliland gudaheeda ka wadaan isugu jiraan xog-ururin iyo kulammo gaar gaar ah oo dhammaantood khuseeya Amniga (security) iyo Siyaasadda (domestic politics), sida ay muujinayaan xogaha Aftahannews helay.
Dowladda Turkiga oo aan qarsannin dedaalka ay ugu jirto sidii ay Somaliland dib ugula midoobi laheyd Soomaaliya, ayaa waxa Mandaqadda Geeska Afrika uga muuqda dano iyo fursado dhaqaale iyo kuwa Ciidanba (Economic and Security/Military interests), iyadoo gooni-isu-taagga Somaliland ay u arkayso mid carqalad ku ah Siyaasadaheeda ku aaddan Mandaqadda oo laba daraale aanay goosasho oggolaan kareyn kol haddii ay Akraada dalkoodaba ay u diidanyihiin inay aayahooda ka tashadaan.
Geesta kale, Xukuumadda dalka Turkiga talada haysa, ayaa waxay xagga fikirka Siyaasadda ay isla keenaan Kooxda Damul-jidiid ee uu ka tirsanyahay hoggaamiyaha dawladda Xamar Xasan Sheekh Maxmuud, iyadoo xubno ka mid ah Xukuumadda Somaliland-na lagu xanto inay fikirkaa Damul-jadiid wada wadaagaan.

Sida ay hore Warbaahintu u falanqaysay, Turkiga, dawladaha Khaliijka iyo Masar, ayaa danahooda wixii Somaliland kaga xidhma u dirta inuu u soo dhammeeyo Wiilka uu Madaxweyne Siilaanyo Soddogga u yahay ee Xukuumaddiisa Wakiilka uga ah Imaaraadka Carabta ee Baashe Cawil, kaasoo isna sii adeegsada Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi iyo Guddoomiyaha UCID Faysal Csli Waraabe.
Dibloomaasiyiinta Turkiga, ayaa waliba waxay qabaan in iyaga iyo Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Sacad Cali Shire, aanay ku kala aragti duwaneyn arrimaha Siyaasadda ee ku waajahan Somaliland iyo Soomaaliya iyo guud ahaanba Mandaqadda, taasoo dad badani walaac farobadan ka qabaan siday Somaliland Wasiir Sacad isugu haleyn karto marka Soomaaliya la wadahadlayo. Mr. Sacad oo loo tiriyo xagga Salafinnimada, ayaa waxa uu ka mid yahay Siyaasiyiinta diiddan in dalku yeesho Baanan ganacsi oo dunida la macaamili kara, sida ay muujinayaan xogo ay aftahannews si gaar ah iyo baadhitaan dheer ku heshay.
Berberatoday.com
COMMENTS
|