berberatoday.com
Eritrea Oo Maanta U Dabaal-dageysa Sannad-guuradii 25-Aad Ee Ka Soo Wareegtay Madax-banaanideeda.
May 25, 2016 - Written by Berbera Today
Asmara(Berberatoday.com)-25 sano ka hor maanta oo kale waa 24-ka bisha May ee, ayaa Eritrea waxa ay heshay madaxbanaani kaddib 30 sano oo dagaal ay kula jireen dowladdii ka awoodda badneyd ee Itoobiya.

Kooxaha udooda xuquuqda aadanaha ayaa Eritrea ku dhaliila in aanay ka jirin dimuqaraadiyad iyo xuriyatul qowl, iyo weliba askareyn qasab ah oo badanaa qaadata muddo sanada ah.
Sida ay muujinayso xogta Midowga Yurub, dadka ugu badan ee Yurub qaxa ku galay waxa ay ka tageen dalkan yar ee Eritrea, iyagoo ahba muhaajiriinta ugu badan ee Afrika ka tagtay.
Gabdho ku labisan midabka dhar loo ekaysiiyay balanbaalista ayaa waxa ay u socdaan raxan raxan.
Kuwa kale ayaa waxa ay jilayaan sida dagaalyahanada fallaagada oo waxa ay dadka xasuusinayaan xilliyadii muhiimka ahaa ee dagaalka.
Habeenkastaa, wadada marta bartamaha faras magaalaha Asmara ayaa waxaa ka ifaya nalal.
Image captionDabaaldegyada Eritrea ee sanadguurada 25aad ee madaxbanaanida dalkooda
Dadku waxa ay isugu soo baxaan waddooyinka iyagoo la dheelaya heesaha tooska loo qaadayo.
Dalka Eritrea ayaa waxa uu ku shaac baxay in dadkiisu ay ka cararaan.
Hasayeeshee kumannaan ka yimid dibadaha dalka ayaa halkan u yimid si ay damaashaadka ugu biiraan.
Hal ku dhigga rasmiga ah ee dabaaldegga sanadkan ayaa ah ’25 sano oo deganaan iyo horumar ah’.
Dadka reer Eritrea ayaa doonaya inay isku filnaadaan, maadaama ay muddo sanada ah takoor kala kulmeen caalamka.
Hasayeeshee waxaa jira calaamada yar oo muujinaya isbadel, oo maalgashi badan ayaa ka imanaya dibadda kaasi oo inta badan diirrada lagu saaro macdan qodista.
Dalkuna waxa uu samaysanayaa saaxiibo badan gaar ahaan dhinaca caalamka Carabta.
Berberatoday.com
COMMENTS
|