Madaxdhaqameedkii Ay Dhawaan Xukuumadu Jeelka Madheera kasoo Daysay Oo Wacad Ku Maray In ay Si Adag Uga Hadli Doonaan Xadhigii Lagula Kacay iyo Doorkii Uu Ku Lahaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye.
May 26, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Salaadiin,Cuqaal Iyo Dhalinyartii dhawaan xukuumadu Ka Soo daysay jeelka Madheera ee gobolka saaxil ayaa wacad ku maray in si faahfaahsan uga hadli doonaan xadhigii ay kula kacday xukuumadu,sidoo kalana ay fashilin doonaan doorka uu ku lahaa gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna musharaxa madaxweyne ee xisbigaas sida uu mid ka mid ahaa madaxdhaqameedkan oo ku hadlayay afka madax dhaqameedkan oo ka cudur daartay in magaciisa la xuso usheegay Shabada wararka ee wajaalenews,net.
Sida oo kale waxa ay sheegeen in ay xukuumadu kula kacday gafwayn oo aanay u meel dayin waxaanay farta ku fiiqeen in sobobta loo xidhay ahayd dano siyaasadeed oo xukuumadu si gaara u wadato.