berberatoday.com
Xarunta Xuquuqaal Iinsaanka Oo Xukuumada Somaliland Ugu Baaqday Inay Xoriyadooda U Soo Celiso Suxufiyiinta Berbera Lagu Xidhay
May 26, 2016 - Written by Berbera Today

7Hargeysa(Berberatoday.com)-Xarunta xuquuqal iinsaanka somaliland ayaa xukuumada ugu baaqday inay xoriyadooda u soo celiso suxufiyiin lagu xidhay magaalada Berbera.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta xuquuqal iinsaanka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Hadhwanaagnews ayaa sidoo kale fariin loogu diray maayarka magaalada Berbera oo la sheegay inuu ka danbeeyo xadhiga suxufiyiintan.

Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystiran ayaa u dhignaa sidan

War-saxaafadeed

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadooda u soo celiso suxufiyiinta ku xidhan Berbera

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadooda u soo celiso sadex suxufi oo lagu xidhay magaalada Berbera. Cabdiraxmaan Maxamed Cige oo ka tirsan Somalinews TV iyo Axmed Siciid Maxamed oo ka

tirsan Kalsan TV waxa la xidhay 25kii bisha May 2016 halka Mubaarig Cusmaan Siciid oo ka tirsan Star TV la xidhay 26ka May.

Sadexdan weriye waxa la xidhay kadib markii uu liis weriyayaal ah uu u soo gudbiyay Booliiska duqa magaalada Berbera si loo xidho. Suxufiyiintan waxa lagu haystaa inay tebiyeen hadalka xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Berbera oo shaki ka muujiyay heshiis dhex maray dawladda Somaliland iyo shirakdda DB World. Heshiiskaas oo ku saabsan maamulka dekedda Berbera. Xildhibaanku wuxuu ka hadlay shir ka dhacay Berbera oo uu goob joog ka ahaa madaxa shirkadda DB World. Sida ay noo sheegeen suxifiyiin, weriyayaashii ka soo qaybgalay shirka waxa duqa Berberi ku amray inaanay baahin warka xildhibaan Saleebaan Cali Khayre. Suxufiyiintii baahiyay warka ee aan raacin amarka waxa dhamaantood la amray in la soo xidho.

Qodobka 32(3) ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu dhigayaa “saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra’yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo kasta oo Iagu cabudhinayo..”

Talaabada laga qaaday suxifiyiintu waa mid aan la aqbali karin. Suxufiyiinta ka shaqeeya Berbera waxa saaran cadaadis wayn. Dawladdu waa inaanay cabudhin warbaahinta iyo ciddii ka soo horjeedda. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay walaac ka qabtaa sida loola tacaamilo codadka wax diida ee ku sugan Berbera. Xorriyadda saxaafadda waa in la ixtiraamo.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxaay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadooda us oo celiso suxufiyiinta.

Ahmed Hussein Abdi

Isu-duwaha Barnaamijyada ee Xarunta Xuquuqal Insaanka

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews