berberatoday.com
Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Khatarta Hub Puntland La Soo Degtay Iyo Maamul Goboleed Dhawaan Lagaga Dhawaaqay Badhan
May 26, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horaysay ka dareen celisay hub la sheegay in loo soo daabulay maamul goboleedka soomaaliyeed ee Puntland oo ay somaliland colaad dhinaca xuduuda ahi ka dhaxayso.

Wasiirka Gaashaniga xukuumadda Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo waraysi gaar ah siiyey telefishanka caalamiga ah ee Bulsho TV ayaa sheegay inay Somaliland dhaaftay wakhtigii cabsida isla markaana waxa uu tibaaxay inaanay dan iyo muraad toona ka lahayn haddii hub loo keeno Puntland iyo haddii kaleba waxaa kale oo uu wasiir Cadami ku dul istaagay inay kalsooni wayn ku qabaan ciidamada qaranka iyo shacabka Somaliland oo uu sheegay inay saacad kasta diyaar u yihiin inay qarankooda difaacaan, waxaana uu wasiir Cadami oo arrimahaas ka hadlayaa yidhi:

“Wakhtiyadii aan intan ka jilicsanayn ayaanu waxyaabahaas u beer nuglayn oo odhan jirnay tolow maxaa soo yeedhi markaa cabsi ma qabno kalsooni buuxda ayaanu qabnaa, ciidankayaga ayaanu ku qabnaa, shacbiga Somaliland oo kuligii u heegan ah oo askari isu wada rogaya saacadaas (haddii loo baahdo) ayaanu haysanaa, cid alle cid aanu ka cabsi qabnaana ma jirto, Puntlland-na waxa xidhiidh na dhexmaraa waa wax dan noo ah laakiin iyaga iminka kama filayno daandaansi toos ah”

Sidoo kale Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa ka hadlay maamul maqaar saar ah oo dhowaan lagaga dhawaaqay gobolka Sanaag barigiisa waxaana uu wasiir Cadami sheegay inaanay maamulkaas la sheegay waxba ka jirin isla markaana niman daraawiish ahi iska muxubo heeseen, waxaana uu wasiirku isagoo arrintaas ka hadlaya yidhi:

“maamul ay saadinayeen dad aan bari sanaag aqoon oo aan dadkooda iyo dhaqankooda aqoon oo ay lahaayeen dawladbaa guri hoostii lagu dhisay oo guddi, madaxdhaqameed iyo salaadiin cid lagu dhisay  aanay jirin ee waxa la yidhi inan yar oo dharkii daraawiishta gashaday bari samaadkii ayaa meesha jooga yidhi dawlad ayaan halkaas kaga dhawaaqay, taasna ma jecli inaan ka hordhaco laakiin dadkii ka talinaayay meesha waxay yidhaahdeen anaga nalaguma shaanbadayn karo inan guri galay oo erey yidhi”

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews