berberatoday.com
Guddoomiye Cirro oo Qaatay Kaadhka Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha, Kana Hadlay Dareenkiisa. H
May 27, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta si rasmi ah goobta diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka ee Khayriyadda Hargeysa iskaga soo diiwaan-geliyey sida oo kalena soo qaatay kaadhkii diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha Somaliland oo bishii ugu dambeysay ka socday gobalka Maroodi-jeex.

Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa waxa qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta ku wehelinaayey Marwadiisa Marwo Farduus Maxamed Rooble, xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI, xubno ka mid ah hoggaanada, guddida fulinta iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, waxaana ka dib diiwaan-gelintaas uu qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee goobta ay ka socotay diiwaan-gelintu, isaga oo sheegay

 
in uu aad ugu faraxsan yahay qaadashada kaadhka diiwaan-gelinta, waxaana uu shacabka Somaliland uu ku hambalyeeyey sida habboon ee ay isu diiwaan-geliyeen, isaga oo dhanka kalena goballada aanay ka qabsoominna ugu baaqay in ay ka qeyb-qaataan diiwaan-gelinta isna diiwaan-geliyaan.

 

“Waxa aan ku faraxsanahay in aan maanta iska diiwaan-geliyey magaalada Hargeysa, gaar ahaan goobta khayriyadda oo ah goob taariikhi ah oo ku suntan taariikhda Somaliland, waxa aan shacabka Somaliland ku hambalyeynayaa in ay diiwaan-gelinta ay si habboon uga hawl-galeen oo ay uga qeyb-galeen dhammaan goballada ay ka soo qabsoontay diiwaan-gelintu oo ay ka mid ahaayeen goballada Togdheer, Awdal, Saaxil iyo Maroodi-jeex oo ay beri ugu dambeyso, waxaana aan ugu baaqayaa goballada hadhey ee Sanaag iyo Sool-na in ay shacabka Somaliland ay si wanaagsan isu diiwaan-geliyaan, waxaana aan qabbaa in ay diiwaan-gelintu ay ka mid tahay guulaha taariikhiga ah ee shacabku gaadhay.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro).

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa sida oo kale uu sheegay in dawladda Mareykanku u  soo xaqiijisay in diiwaan-gelinta laga wado Somaliland ay tahay mid casri ah oo aan laga samaynin dalal badan oo caalamka ah isla mar ahaantaana la adeegsanaayo qalab casri ah oo saamixi kara in Somaliland ay ka qabsoonto doorasho hal cod ooh al qof ah.

“Waxa na loo xaqiijiyey markii aanu tagnay Mareykanka in diiwaan-gelinta Somaliland laga sameynayaa ay tahay mid casri ah oo aan dunida hore loogga qaban, marka waxa aan jeclahay in aynu ka faa’ideysanno wakhtiga, si wanaagsanna isu diiwaan-gelinno si aynu u helno doorasho wanaagsan oo hal cod(One Vote), hal qof ah(One Man), oo qofka muwaadinka ahi uu lee yahay hal cod oo kaliya ah.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro

 

 

 

 

 

 

Berberatoday.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews