berberatoday.com
Sheeko Cajiib Ah Baalashlihii Isku Filnaashaha Gaadhay Iyo Qisadii uu Ku bilaabay
May 27, 2016 - Written by Berbera Today

baalashle23 1 520x400 Sheeko gaaban: Agoonkii guusha gaarey W/Q: Cabdiwahaab Cabdulqaadir (Carab)

Shaafici waa wiil dhallinyaro ah da’diisuna ay tahay 17 sano jir, wuxu dhigta Dugsi quraan (Malcaamad) iyo dugsi waxbarasho oo uu aado gelinka dabme, waana arday aad u dadaal badan oo weliba dabeecad furan, dulqaad badan ardayda iyo macalimiinta aad ayay u jecelayeen.

Qoyska shaafici waa kuwo aad u liita dhanka nolosha oo waa sabool dan yar ah oo aan xolo hanti badan laheyn, waana kuwa ay soomaalida u taqaan dabaqadda hoose, Oday Muuse waa aabbaha guriga waana masuulka keliya ee xilka ka saaran inuu reerkiisa u soo shaqeeyo una keeno wax ay quutaan , waa muruqmaal ku shaqeysta xoogiisa iyo dhididkisa xalaasha ah wuxuu leeyahay gaari gacan oo uu ku xamaasho, wuxuna dhigta halka istaanka basasku yimaadan dadka soo adeegtay ayuu alaabtooda u geeya guryahooda, subaxdi ayuu gurigga ka soo kalahaa wuxuna ku laabta galabki asiga oo kisti uu soo shaqeystay u geeya reerkiisa.

Dhowr jeer ayaa Shaafici laga soo eryay iskuulka sabab lacagti iskuulka oo uusan bixin awgeed, maalmo ayuu guriga iska joogi jiray marki uu helo lacagti iskulka ayuu dib ugu noqon jiray asiga oo wada lacagti, wuu ogaa Shaafici nolosha ay ku noolyihiin inay aad u liidato balse waxa ka go’need inuu wax barto si uu waalidki iyo walaalihi ka yar uu wax u taro.

Nolosha bani’aadamka ayaa ah mid iska daba wareegta oo hadba meel ka soo muuqata, Soomaliduna waxay ku maahmaahda ”Adduun waa harka labaddi gelin”. Taas oo micnahedu yahay in aysan jirin adduunka wax toosan maalin kasta waxa dilaaca waa cusub oo hor leh.

Saacaddu waa 10 ee barqanimo waxa loo wada dareeray howl maalmedki maalinta, ardaydi waxay u dareeren iskuulladoodi si ay waxbarashadooda u soo qataan, si lama filaan ah ayaa waxa u billowday dagaal u dhaxeya laba maleeshiyood; waa sida inta badan dhacda dal burburay oo aan dowlad dhexe iyo nidaam iyo kala dambeyn laheyne, waana calaamadaha lagu garto in maalinkasta rasaasta iyo dagaalo ay ka dhacaan. Bulashada soomaliyeed waa ay la qabsaden gaar ahaan kuwooda ku nool magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Firxadki iyo kala orodki ayaa halkaa ka billowda nin walboo nafta badbaadso ayuu xaalku marayaa, nasiib daro xabbadihi la is weedarsanaye mid kamida waxa ay haleeshay Oday Muuse, halka ayuuna odaygi reerka ku geeriyooday.

Guriga Shaafici waxa taala geeridii aabihiis waa warmooge aan xog ka ahayn waxna ka ogeyn waxaa gadaashiid dhacay, oo iskuulkisa iyo waxbarashadiisa ayuu ku mashquulsan yahay, waa nasiib xumo iyo ayaandaro ku habsatay dalka soomaaliya maxaa hooyo asaay loo saaray? Maxaa ubad badan aabbe la’aan la dhigay oo agoon laga dhigay? Maxaa naf bani’adam si fudud loo dilay?

Shaafici waxa u baryay waa cusub oo murug leh kuna qasabtay inuu isaga tago waxbarashadii oodhan malcamadi iyo dugsigi uu dhiganayey , wuxuu u tafo xaytay inuu shaqo helo si uu u caawiyo qoyskiisa , maadaama uu aha curudka reerka ugu weyn wuu ku qasbana inu garab istaago hooyadiis.

Muusan garaneyn meel uu wax ka billaabo iyo qof uu ciirsi waydiisto toona, balse hal fikrad ayaa ku soo dhacday maskaxdiisa taas oo ahed inuu ka mid noqdo dhallinyarada ka xoogsata caseeynimada ama (baalash laha).

Shaafici dhimashada aabihi waxa ka soo wareegtay 7 maalin, weli wuxu garan la’yahay halka uu wax ka bilaabi lahay ma haysto lacag uu ku iibsado qalabka caseeyaha, wuxu dhex fadhiya qolkisa fikir waa u dheeryahay durufta adduunkane waa ay ku hareeresan tahay, daaqada guriga ayuu bilicsaday misne wuxu indhaha ku dhuftay oday u imaan jiray aabbihis; waxaana markiba ku soo dhacday bal odaygaa u tag oo waydiso xooga lacag ah si aad shaqada u billowdo, waa uu ku dhaqaaqay odaygi ayuu ka daba orday asiga oo magacisa ugu yeeraya adeer Cabdi …adeer Cabdi odaygi ayaa gadaal soo eegay mise waaba Shaafici oo neef tuuraya ”adeer Shaafici maxa kugu dhacay oo aad la neeftureysa?” Shaafici aya ugu jawaab celiyay ”adeer adigan dan kaa lahay” ”Haye, wiilkeyga ii sheeg maxaa darnaa?” ”adeer wax daran ma jiran, waad la socota in aabbe geeriyoday adeer waxan ku fikiray in aan hooyo kaalmeyo oo aan ilmaha iga yar aniga wax baro una shaqeeyo ee adeer waxan ka rabay lacag aan alaabta caseeyaha ku soo gato wana kuu gudi doona lacagtaas adeer..” marki uu intas hadalki marinayo ayu oday Muse oo indhihisa ilmo ku soo istagen ku yiri ” bis adeer macaan hadiba sidaa aad u fikireyso aniga ku gadayo alaabta waxbane deyn kuguma ahan aabbaha wuxu ahay saaxibkey adigane waxad tahay wiilkeyga oo kale” ”Mahadsanid adeer ” Shaafici oo dhoolacadenayo ayaa sida ku jawaab celiyay.

Adeer cabdi wuxuu ku yiri soo qiimeyso allaabta, Shaaficina wuxuu u keenay inta ku filan billowga, shaafici waa wiil hawlkar ah oo farxad badan, isagoo lebisan oo dharkiisu u dhaqan yihiin ayuu hawsha soo galaa, wuxuu yeeshay saaxiibo badan oo caseeyayaal ah, wuxuuna yeeshay macaamiil badan oo bartey oo shaqadiisa la dhacay, Suuqii oodhan ayuu noqday shaqsi laga jecelyahay, muddo markuu shaqeynayey ayuu wuxuu gurigooda hooyadiis uga dhex sameeyey, Miis ay hilibka iyo qudaarta ku gado oo sidii dabakaayo ah, waxaana isa soo kabay dhaqaalihii reerka, wuxuu kale oo iibsaday Shaafici ilaa Tobboneeyo Gaari gacan oo maalintii 10 kun ku kireyn jirey qofkaan lahayn, sidoo kale wuxuu maal geliyey caseeyayaal badan isagoo iibsan jirey Jumlada qasacadaha baalashka iyo burushyada waxna sii saaran jirey.

Shaafici isaga oo aan 12 sanno gaarin ayuu wuxuu noqday nin leh waayo aragnimo ganacsi wuxuuna dib u billaabay waxbarashadiisii habeennimo, shaafici wuxuu ka ilaaliay baahi iyo darxumo 4 carruur ah iyo hooyadood, waa nin isku kalsoon, sidoo kale wuxuu hadda hammigiisu gaarey inuu lacag buuran ku darsado shirkado waaweyn oo suuqleyda ay saaxiibada yihiin leeyihiin.Shaafici ma noqon nin ku seexda oo suga xoogga hooyadiis ee wuxuu noqday nin ay hooyadii ku seexatay, maahmaah Soomaaliyeed ayaa tiraahda ”Agoon ama caqli badnaa ama uur kuusnaa” Shaafici wuxuu noqday agoon caqli badan.

Shaafici ma noqon nin ku biira kooxaha maleeshiyaadka ah ee ka faa’iideysta duruufta danyarta, shaafici ma noqon mid isu dhiiba quusta iyo mustaqbal xumada oo balwad iyo ciyaalla suuqnimo ku dhaqaaqa shaafici ma noqon mid dantiisa ka dhiga wax aan naf u lahayn ee wuxuu noqday nin karmeed dirac ah oo naftiisa iyo tan qoyskiisa guntiga u xirtey guulna gaarsiiyey iyo libin, wuxuu noqday mid hantey qalbiyada dadka oodhan, wuxuu noqday mid walaalihiis u buuxiya booskii aabbahood, wuxuu noqday mid hooyadii u noqda gacanta midig, wuxuu noqday Agoonkii guuleystay ee gaaray libintiisa.

Dedaalaa waa gaara dantiisa, maanta shaafici wuxuu isku helay, Waxabarasho oo xoogiisa isaga baxsho, nolol xarago iyo xoolo uu xoogsaday iyo farxad aaney qoyskiisu murugo arag, Shaafici wuxuu odorasayaa inuu guriga mitirkuubbada ah ee alwaaxa ka samaysan mustaqbalka sar ka dhiso.Waxaa jira kuwa iskoolka la dhigan jirey oo Aflagaadeyn jirey oo caseeye caseeye ka daba dhihi jirey, maantana ka barya shaneemada naga bixi iyo sigaar noo gad. Shaqo waa sharaf, qofkuna inuu isku filnaadaa waa guushiisa inuu is liidoo oo waxba qabsan waayaana waa guuldaradiisa. Shaafici wuxuu noqday nin isku filan, dedaalkiisa ayuu ku gaarey ( Waxaan loo dhididin laguma dheefsado)

 

 

W/ Q Cabdiwahaab Carab

Dhammaad.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews