berberatoday.com
Tirsiga 1-aad -Wareejinta Dekeda Berbera waxaa weli saaran Caad iyo Ciiro qarsoon ee waa in xukuumadu shacabka Qancisaa oo wacyi gelisaa. qalinkii A/fidhinle UK‏
May 27, 2016 - Written by Berbera Today
Heshiiska dhexmaray Shirkada DPW ee laga leeyahay UAE wuxuu  ka dhacay Dubei  taariikhdii 9/5/16,  Wuxuuna ahaa mid is afgarad iyo isfahan ah oo u gogol xaadhaaya heshiis rasmi ah oo dib u  dhici doona dhawaan labada bilood ee soo socda. Heshiiskan  qaybtiisa koowaad waxaa ku daabacan in laga wada shaqeyn doono mashaariicdan horumarineed ee hoose :
1-  Beeraha oo loo  kala qaaday  Xoolaha, Khudaarta iyo Kaluunka
2-  Shaqo abuur baaxad leh oo la leeyahay Xirfadlayaasha Somaliland ee shaqo la’aantu ragaadisay ayaa dalka gudihiisa iyo Emirates u shaqo tegi doona.
3-  Balaadhinta Dekeda iyo suuq xor ah ” free zone” oo Dekeda aageeda laga dhisi doono oo shaqooyin iyo ganacsi abuuri doona
4-  Dalxiiska Magaalo xeebeedka Berbera iyo Hargeisa oo la maalgelin doono , taa soo laga dhisi doono hutelo 4 Start ah.
5-  Haamaha Keydka  Shidaalka oo la balaadhin doono lana dayac tiri doono
6- Wadada isku xidha Berber iyo Eithiopa ” Berbera Cooridor ” oo la dhisi doono .
7- Waxaa la dhisi doonaa aaladaha tamarta dhaliya ” Energy renewal ” si Baahida koronto  la’aanta Somaliland uga baxo gaar ahaan Berbera.
Heshiiskani wuxuu hoosta ka xariiqayaa in uu yahay is afgarad sharci ah 5-ta sanadood ee soo socda , kadibna 5 kale la cusboonaynsiin doono,
Waxaa aynu wada og nahay in shuruudaha iyo xakamaha heshiisku uu yahay shuruucda heshiiska oo dhameystiran si ay bud-dhig iyo baleysinba ugu noqdaan
 heshiiska rasmiga ah ee la gelin doono dhawaan, sidaa daraadeed waxaa shardi ah in la dhameystiro inta aan la gelin heshiiska rasmiga ah qodobadan hoose:
a- In shuruucda hadhsan la dhameystiro si heshiisku u dhaqan galo. hadii muran dhacana loogu kala baxo.
b- In Baarlamaanka laga ansixiyo si ay muraadkooda dastuuriga  uga gutaan oo shirkada u siiyaan shahaadad maalgashi
c- In Xukuumadu ay sife waafi ah oo xalaal ah ay shacabka Somaliland ugu soo bandhigto nuxurka heshiiska iyo faaidooyinkiisa ku duugan.
d- Waa in xukuumadu ay cilmi baadhis cokan ku sameeysaa saameynta taban ee uu mashruucani ku leeyahay mandaqa kadibna ay talo ka yeealataa.
e- Waa in xukuumadu ay cabirtaa saameynta taban iyo cadhada unkan ee mashruucani ku yeelan karo shacabka deegaanka gobolka saaxil iyo shaqaalaha Dekeda Berbera
f- Waa in  Xukuumadu cadeysaa xaqa iyo faa’idada gaar ka ah ee uu Degaanka Gobolka Saaxil ku leeyahay mashaariicda kala duwan ee heshiiska ku xardhan.
g- Dawlada hoose ee Gobolka Saaxil waa in si gaar ah loogu soo bandhigaa mashruucan si ay u falkiyaan oo shacabka u wacyi geliyaan 
h- Waa in xukuumadu ummadda JSL u cadeysaa sifeyaasha loo qaybsanaayo dheefta ,mansabka, maganata  iyo moorada mashuuran laga dhiijin doono.
I- Waa in xukuumadu cadeysaa xuquuqda iyo magdhowga shaqaalaha Dekeda ee ay saameyndoonto wareejinta maamulka Dekedu ka hor heshiiska kama danbeysta ah.
J- Waa in Xukuumadu shacabka u cadeysaa shuruudaha iyo  sifeyaasha lagu soo xulan doono Saamileyda reer Somaliland ee mashruuca ka qeyb qaadan doonata.
    Markay maskaxdooda tuujiyeen aqoon yahanka  iyo  fog’aan araga reer Somaliland waxay u akraan mashruucan muga leh:
1- Waxay u arkaan In uu yahay mashruuc xaqal qalin ah oo  ka gaadhsiis ah ee aanu aheyn mashruuc dalka iyo dadka wax loogu dhisaayo.
2- Waxay u arkaan in shirkad macaash doon ihi ” Profit seeking company ” ay dhitadoodii iyo dhaqaalahoodiiba afka u dhiganayso, maadaama ay iyadu la wareegayso Dekeda berbera oo ay yeelanayso maareynteeda oo dhan iyo madaxda Dekeda sida Maareeyaha iyo Maareye ku xigeenkaba.

3- Waxaa la is weydiiyey in  hadii Xukuumadani ay hore u laheyd han, hal- abuur siyaasadeed iyo himilo fog oo ay dalka iyo dadkaba ku hore mariso , in aanay la sugteen wareejinta Dekeda Berbera waqtigan cawo daranta ah ee kala guurka ah. 4-Haddii ay Xukuumadani ay danaheeda gaarka ah ay ka hor marin laheyd maslaxada guud ee dalka iyo danta  shacabka  reer Somaliland marna lamay sugteen wareejinta Dekeda Berbera 8-deeda bilood ee waqtigeeda ku meel gaadhka ahaa uga sii hadhsan.
 5-Waxaa ummadda ucadaatay in hadii Barnaamijka dib-udhiska Dekeda Berbera uu markii horeba bar-tilmaameed run ah u ahaa Barnaamijyada waxqabadka Xukuumada kulmiye, in aanay  wareeginta Dekeda Berbera la sugteen waqtigan xaas-saasiga ah. 
Guntii iyo Geba Gebadii Qormada:  Waa in Golaha Baarlamaanka ee JSL ay u kuurgalaan xogta iyo Xaqiiqda Mashruucani xanbaarsan yahay kadibna ay muraadkooda ka gutaan Xukuumadana  kula taliyaan in ay taxadar badan ka yeelato Saameynta Taban ee heeshkani ku  yeelan karo Degaanada dalka inta aanu dhicin heshiiska rasmiga ahi ee kamaa danbeysta ahi.
La soco Qormooyinka Danbe.iyo Heshiiska Wareejinta  Dekeda Berbera…………………………..??
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive  Advisor ED BD PA
United Kingdom
London
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews