“Wasiirku Awood Ah Uma Laha Inuu Ruqsadaha Ka Qaado Qareenadda”Barkhad Jaamac Xirsi
May 27, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Barkhad Jaamac Xirsi oo ah xoghayaha Caddaaladda ee Xisbiga Waddani ayaa canbaareeyey go’aan uu dhowaan Wasiirka Caddaaladu ruqsadii qareenimo uga qaaday Guuleed Axmed Jaamac. Barkhad oo kula hadlay saxaafadda magalaada Hargeysa wuxuu ku eedeeyey wasiirka inuu ku gefay Xeerka Qareenada, Xeer Lr. 30/2004 oo ah xeer dhaqangal ah.
“Wasiirku wax awood ah uma laha inuu ruqsadaha ka qaado qareenada. Maaha shaqadiisa. Sharciga dalka u yaal in lagu tunto maaha. Xeerka qareenadu si cad ayuu u sheegayaa in xilkaasi yahay mid ay gaar u leedahay Gudida Ruqsad Bixinta iyo Anshax-marinta Qareenada. Qodobka 37aad ee dastuurku wuxuu sheegayaa in awoodaha qaybaha qaranku kala madax banaan yihin. Wasiirku inuu qaato awood aanu lahayn waa dastuur jebin.” Ayuu yidhi Barkhad Jaamac Xirsi.