berberatoday.com
Dacwadii U Dhaxaysay Garabyada Xisbiga UCID Ee Ay Kala Hoggaaminayaan Murashax Jamaal Iyo Guddoomiye Faysal Oo La Mudeeyay.
May 28, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Dacwadii U Dhaxaysay Garabyada Xisbiga UCID Ee Ay Kala Hoggaaminayaan Murashax Jamaal Iyo Guddoomiye Faysal Oo La Mudeeyay.
Sabti.28.05.16(Berberatoday.com)-Guddiga diiwaangelinta ururada siyaasadda ayaa muddeeyay wakhtiga loo fadhiisanayo dacwada u dhaxaysa guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo murashaxa xisbigaas Jamaal Cali Xuseen.

image

Sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali, guddiga ayaa muddeeyay in dacwada la gudo galo 12-ka bishan June oo ay maalmo koobani curashadeeda inaga xigaan. Guddiga ayaa qoraalka ay dacwada ku muddeeyeen waxay ku cadeeyeen in madasha dhagaysiga dacwadu noqon doonto mid furan oo ay ka soo qayb geli doonaan saxaafadda iyo dadweynaha xiisaynayaa.

Dacwada oo la filayo inay goob joog ka noqdaan Faysal iyo Jamaal, ayaa waxa kala metelaya qareeno uu mid waliba difaacayo dhinaca uu metelayo, kuwaas oo la filayo inay soo bandhigaan cadaymaha difaacooda.

Dadweynaha reer Somaliland ayaa aad u xiisaynaya dacwadan siyaasadeed ee u dhaxaysa Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen oo hore rafiiq ugu ahaa xisbiga UCID balse hadda si weyn isugu maandhaafsan majaraha xisbiga UCID.

Dacwadan oo ah tii u horaysay ee nooceeda ah, ayaa ah dacwad siyaasadeed oo xaasaasi ah, waxaanay guddiga diiwaangelinta ee ka garnaqaysa khilaafkan u noqon doontaa dacwad lagu eego miisaankooda iyo kalsoonidoodaba.

Geeska

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews