berberatoday.com
Madaxtooyada Somaliland Oo Ka Xumaatay Xogta Heshiiska Dekeda Berbera Ee Dibadda Uga Soo Baxay, Tuhunnada Taagan Iyo Shirkii Golaha Wasiirrada Ee Khamiistii Oo Aamina Weris Ka Dhex Toostay
May 28, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

May 28, 2016 Hargeysa (Berberatoday.com) – Madaxtooyada Somaliland ayaa la sheegay in ay si weyn uga xumaatay Sida Degdegga ah ee uu durba dibadda ugu soo wada baxay Heshiiskii Hordhaca ahaa Ee wareejinta Dekedda Berbara taasoo ay ka dhasheen tuhunno Madaxtooyadu qabto cidda bixisay heshiiskaasi ee la wadaagtay warbaahinta, wakhti ay ku dadaalayeen in ay muddo daaha saaraan xaqiiqooyinka heshiiskaasi, bulshadana ay rabeen in ay u sheegaan xogo ka duwan sida dhabta ah ee heshiisku yahay, kaasoo qoyska Madaxtooyada iyo guud ahaan waftigii hawshaasi gacanta ku lahaa ka dhex dhaliyey tuhunno hoose.

wasiiro

Xogo Wargeyska FOORE ka helay Shirkii Golaha Wasiirrada ee Khamiistii ka qabsoomay Aqalka Madaxtooyada Somaliland ayaa tibaaxaya in mar kali ah lagu war helay marwada koowaad ee qaranka Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde oo shirkaasi ka dhex toostay kaasi oo ku qabsoomay jawi kacsan iyo dareeno canaani weheliso oo ay marwada iyo masuuliyiinta sare ee Madaxtooyadu u gudbiyeen xubno kale oo hawshani khusaysay iyada oo shirkaasi si weyn looga hadlay sababta keentay in xogtaasi warbaahinta u gudubto inta aan heshiiska dhabta ah la saxeexin.
Qaar ka mid ah telefishannada iyo warbaahinta qoraalka ah ayaa maalmihii ugu dambeeyey si weyn loogu qaadaa dhigay qodobada heshiiska hor dhaca ah ee xukuumadda iyo shirkadda dekedda la wareegaysa taasi oo aanay madaxtooyadu jeclaysan sida ay dibadda ugu soo baxday xogtaasi. Tuhunnada soo baxay ayaa sheegaya in xubno ka mid ah waftigii xukuumadda ee Imaaraadka heshiiskan ku soo galay ay warbaahin madaxtooyada xidhiidho hoose la leh ay la wadaageen qoraalka heshiiskaasi taasi oo keentay in qoyska Madaxtooyada ka taliyaa aad uga xumaadaan iyada oo durba ay soo baxayaan kala shaki iyo isku tuur tuur cidda xogtaasi bixisay ahi.
Ilo-wareedyada Wargeyska Foore helay oo arrinkan la xidhiidhaa waxa ay intaasi ku darayaan in Madaxtooyadu ka shakisan tahay sida uu heshiiskaasi daacadda uga yahay Maareeyaha Dekedda Berbera Injineer Cali Cumar Maxamed (Xoorxoor) oo isagu sida uu markii ugu horaysay heshiiskan uga war bixiyey iyo sida uu haatan u muuqdaa kala duwan yihiin.
Dhinaca kale wararka wargeyska Foore soo gaadhayaa waxa ay sheegayaan in xubno ka mid ah waftiga xukuumadda ee heshiiskaasi soo galay iyo qaar ka mid ah dad madaxtooyada siyaalo kala duwan ugu xidhani ay dhexda u galeen lacago Madaxtooyadu ugu talo gashay in loo adeegsado wacyi gelinta heshiiskaasi si bulshada loogu baahiyo xogo la qurxiyey oo la xidhiidha muhiimadda heshiiskaasi u leeyahay dalka taasi oo aan la ogayn meelo ay ku dhacday iyo cidda rasmi ahaan u qaadatay toona.
Wargeyska Foore

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews