berberatoday.com
Real Madrid Oo Koobkii 11 Aad Ee Champions League Ah Ka Qaaday Kooxda Atletico Madrid Oo Ay Finalkii Isugu Soo Hadheen
May 28, 2016 - Written by Berbera Today

Madrid-650x360Hargeysa(Berberatoday.com)-Kooxda Real Madrid ayaa rigoodhayaal kaga qaaday Atletico Madrid koobka ugu xiisaha badan horyaalada naadiyada dunida ee Champions League markii 11 aad.

Juanfran ayaa khasaariyey kubbada lagaga badiyey kooxda Tababare Simeone , halka Naadiga Zidane uu rigoodhaha shanaad ee guusha uga saxeexay Cristiano Ronaldo , ciyaartii finalka oo labada kooxood ku dhex martay garoonka San Siro ee magaalada Milan.

mdr mdr2

Taageerayaasha Atletico Madrid ayaa murugo la ilmeeyey kadib markii kooxdoodu ku hungowday ciyaartii gunaanadka ee labaad saddex Horyaal oo naadiyada Yurub ah guddohood.

Real Madrid ayaa ahayd kooxda awooda badan qaybtii hore ee ciyaarta, lana timid gool uu u saxeexay madaxna ugu dhaliyey Sergio Ramos, laakiin qaybtii dambe ee ciyaarta ayay kubbada la wareegtay Atletico, waxaanay goolka bareejaha la timid daqiiqadii 79 aad, markaas oo uu kubbad qurux badan u dhaliyey Yannick Ferreira-Carrasco, kaas oo ka fujiyey naxdinta rigoodhihii uu khasaariyey Antoine Griezmann daqiiqadii 48 aad ee ciyaarta.

Labada kooxoodna waxay ku dhamaysteen 90 kii daqiiqo ee ciyaarta 1-1, 30 kii dheeraadka ahaana ma suurto galin inay kooxina la timaado goolka guusha.

Gari laba nin kama wada qoslisee, Madrid ayay 5-3 rigoodhayaashii guushu Ku Raacday, waxaana goolka guusha u laaday oo nasiibku ku saaciday Cristiano Ronaldo, oo habeenkan ahaa mid aan kubbad kaliya u maamulin sidii looga bartay.

 

https://www.youtube.com/watch?v=oicDBnQbW9M

 

Real Madrid 1-1 Atletico Madrid (5-3 on penalties) UEFA Champions League final 2016

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews