War Deg Deg Ah”Maxkamada Gobolka Saaxil Oo Xoriyadoodii Si Buuxda Ugu Celisay Sadex Wariye Oo Afar Maalmood Sharcidaro Berbera Ugu Xidhnaa
May 28, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)Maxkamada gobolka saaxil ayaa sirasmiya xoriyadoodii ugu celisay sadex wariye oo mudo afar caano maal ah ugu xidhnaa Saldhiga dhexe ee magaalada Berbera, wariyayaashan oo amarka xadhigooda uu bixiyay gudoomiyaha Golaha deegaanka Degmada Berbera ayaa waxa lagu haystay sidii aynu horeba usoo sheegnay hadal uu dhawaan waftigii ama madaxdii shirkada Dekeda laga kireeyay ujeediyay Xildhibaan katirsan Golaha deegaanka Berbera oo layidhaa Xiuldhibaan saleebaan cali Khayre.