berberatoday.com
Badhan”Gobol Somaliland illawday Iyo Halista Duullaanka Soomaaliya! Warbixin Weriye Faysal-Afgaab
May 29, 2016 - Written by Berbera Today

70 Askari oo aan Gaadiid haysan ayaa Somaliland ka jooga halka Puntland ay Badhan kaga sugan yihiin Ciidan tiro badan oo haysta 40 Tikniko ah

Badhan(Berberatoday.com)-Gobolka Badhan oo ka tirsan gobolada Somaliand ee uu magacaabay Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin kana go,ay gobolka Sanaag,ayaa ah gobol aad u balaadhan isla markaana leh soohdimo uu la wadaago bobolada Sanaag iyo Sool oo ah Somaliland iyo dhanka Soomaaliya oo uu xuduud kala wadaago Badda iyo Berigaba.waxaanu ka kooban yahay magaalooyinka Badhan oo ah xarunta gobolka Badhan, Dhahar,Hadaaftimo,Laacqoray iyo Xiingalool  oo dhamaantood degmooyin ah iyo tuulooyin hoos yimaadda.

BADHAN IYO CIIDAN KU SUGAN

Waa gobol aad u balaadhan oo ka mid ah gobolada ugu waawayn ee dalka waxaanu xuduud dhanka Badda ah la leeyahay marin biyoodka Yemen.

Hadaba gobolkan ayaa ha mid aad ay u dayacday Xukuumadda Somaliland isla markaana xilligan ay ka taagan tahay xaalad siyaasadeed oo ka dhan ah Somaliland waxaana dhawaan lagaga dhawaaqay degmada Xiingalool ee gobolka Badhan Maamul goboleed ka dhan ah Somaliland iyadoo ninka lagu magacaabo Axmed Maxamed Maxamuud Jabiye oo ku dhawaaqay Maamul goboleedka lidiga ku ah gooni isu taagga Somaliland uu sheegtay in uu yahay afhayeenka Maamul goboleed uu ugu yeedhay Waqooyi Bari Soomaaliya isla markaana aan wax tallaabo ah laga qaadin kuna sugan yahay isla magaalada Xiingalool ee gobolka Badhan.

MUUQAALKA MAGAALADA BADHAN

Waxaa kale oo  kusugan gobolka Badhan  magaalooyinkiisa ciidamo ka tirsan Maamul goboleedka Puntland oo wata gaadiid dagaal oo tiro badan isla markaana ay kaga hawl galaan guud ahaan gobolka Badhan ciidankaaoo ka la jooga Dhahar ciidan wata Afar Gaadhi oo tikniko ah Buraan ciidan wata 5 gaadhi oo tikniko ah,Ceel Doofaar 2 gaadhi oo Tikniko ah,Badhan 5 gaadhi oo tikniko ah Booyad iyo gaadhi Xamuul ah. Halka ay Somaliland kaga sugan yihiin guud ahaan gobolka Badhan 70 Askari oo aan wax gaadiid ah haysan isla markaana aan lahayn hal gaadhi oo ay ku hawl galaan.

Dhinaca kale Somaliland ayaa gobolka Badhan waxqabadka ugu way nee ay ka qabatay waxaa ka  mid ah dhawr ceel biyood oo ay ka hir galisay  oo Wasaaradda Khayraadka Biyuhu fulisay iyo Wasaaradda Waxbarashada oo si toos ah uga shaqaysa isla markaana gobolka Badhan  uu kala siman yahay Somaliland inteeda kale waxbarashada Dawliga ah,waxaa kale oo intaa soo raaca gurmadkii taakulaynta abaaraha oo Gudiga Taakulanta abaaraha ee heer Qaran ay laba goor raashin gaadhsiisay.

Laakiin intaas gobol iyo deegaanka intaa leeg laguma kasban  karo isla markaana Askar tiradooduba ay 70 tahay oo aan gaadiid iyo Tikniko aan haysanin ma difaaci karaan.

Wakhti xaadirkan waxaa gudaha magaalada Badhan ku sugan  laguna soo dhaweeyay magaaada Badhan nin u taagan una tartamaya Musharaxa jagada Madaxweynaha Soomaaliya iyadoo uu Dorraad dadweynaha Badhan la hadlay kuna guubaabiyay in ay Soomaaliya ka mid yihiin isna uu yahay Musharax Madaxweyne oo danahooda ka shaqayn doona iyadoo uu magaalada Badhan la dhex marayay gaadiid uu ka babanayo Calankii Soomaaliya.

Masuuliyiinta Gobolka Badhan ee Somaliland ayaa sheegay in aanay haysan awood ciidan oo ay gobolka ku difaacaan isla markaana ay ku sugan yihiin gobol ciidan kale oo cadaw ku ahi ay joogaan loona baahan yahay in cudud Ciidan lagaga hor tago oo gobolka laga saaro ciidanka Puntland ee xoogga ku jooga.

Hore waxaa uga dhacay gobolka Badhan afduub  ay Puntand ku qafaalatay shaqaale u socday wacyigalinta diiwaan galinta codbixiyeyaasha oo ay ciidan Puntland  ka tirsan ku afduubeeb gudaha gobolka Badhan isla arkaana ku xidheen saldhigga magaalada Badhan laakiin markii dambe wada hadal ay odayaasha deegaanku la sameeyeen ciidanka Puntland lagu soo daayay.

Waxgaradka gobolka Badhan oo aan wax ka waydiiyay halka ay raacsan yihiin iyo Dawladda ay ka tirsan yihiin ,ayaa sheegay in ay dal ahaan iyo dad ahaanba ka tirsan yihiin Somaliland laakiin ay Xukuumaddu dayacday oo kaalinteedi ay banaysay isla markaana jaaniska ay Xukumadda Somaliland ay dayacday ay  fursad siisay Puntland oo ciidankeedu uu ka hawl galo deegaano badan oo ka tirsan gobolka Badhan.

Waxaa kale oo ay ku doodeen in Masuuliyiinta Somaliland ee gobolka ku sugani in ay yihiin rag aan awood ciidan oo ay tallaabo kaga qaadaan cadaw kasta oo ku soo duula in aanay haysan waxaanay intaa raaciyeen in ay u baqayaan in masuuliyiinta Somaliland ee Gobolka Badhan laftooda in la qafaasho oo xoog lagu kaxaysto kol haddii aanay lahayn ciidan difaaca gobolka iyo iyaga amnigooda midnaba.

Hadaba Xukuumadd Somaliland maxaa uga meel yaalla gobolka Badhan ee ay ku sugan yihiin ciidanka Punland,musharaxa u tartamaya Madaxweynaha Soomaaliya iyo ninka ku dhawaaqay Maamul goboleedka lidka ku ah Jiritaanka qarannimada Somaliland.

Haddiise aanay intay arrintu dhawdahay aanay ka hawl galin Xukuumadda Somaliland deegaanada Gobolka Badhan ma ku dambayn doonaa sida ay hadda uga gacan madhan tahay Buuhoodle oo ay ku wada sugan yihiin kooxo kale oo Somaliland diid ah oo waxyaabo kala duwan ku abtirsada.

Ugu dambayn waxaa looga fadhiyaa Xukuumadda Somaliland oo ay ugu horreeyaan masuuliyiinta xilalka sare ee Qaran ka haya dawladdu in ay badbaadiyaan gobolka Badhan oo qarka u saaran in uu guud ahaan u gacan galo cadawga Somaliland isla markaana inta uu dhaw yahay gobolku ka saarta ciidanka duulaanka ku yimi eek u sugan iyo shaqsiyaadka Somaliland diidka ah ee maamulada kale sheeganaya ee gobolka Jooga.

 

 

 

Weriye Faysal Xiis Weerar (Afgaab)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews