Diiwaangelinta Cod-bixinta Somaliland Oo Bil Hakad Gelaysa Iyo Gobolka Maroodi-jeex Oo La Soo Gebogabeeyey
May 29, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa shaaciyey diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha oo muddo 28 cisho ah ka socotay gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) la soo gebo-gabeeyey, isla markaana iyadoo ay hadheen laba gobol iyo dheeraad ama saddex gobol la hakin doono sii socoshadeeda muddo bil ah.
Gobolka Maroodi-jeex oo ah gobolka ay ku nool yihiin dadka ugu badan guud ahaan Somaliland, ayaanay diiwaangelinta Cod-bixiyeyaashu uga qabsoomin sidii la filayey ama aanay dadku ugu soo bixin marka loo eego tirada dadka ku dhaqan iyo sidii gobollada ka horreeyey ee Togdheer, Awdal iyo Saaxil loogu soo baxay ama la isaga-diiwaangeliyey, sida ay hore u caddeeyeen Hawl-wadeennada goobaha diiwaangelinta iyo Guddiga doorashooyinka Qaranku.
Hase-yeeshee, waxay soo gebo-gabawday, iyagoo aanay dad badan oo gobolkan Hargeysa ku dhaqani uba dareerin goobaha diiwaangelintu ka socotay, waxaana ku xigi doona oo laga bilaabi doonaa diiwaangelinta gobolka Sanaag sida ay Guddiga doorashooyinka Somaliland sheegeen. Balse, muddo bil ah ayey hakan doontaa ama aanay socon doonin diiwaangleintu, taasoo ay Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo uu Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame sheegay inay dadka jaanis u siinayaan Cibaadada Bisha Ramadaan.