berberatoday.com
Banaanbax Balaadhan Oo Kadhacay Xarunta Amnesty International London Maalintii Sabti Oo Lagu Gudbiyey Dacwad Kadhan Ah Xukumada Somaliland Iyo Liis Maxaabiis Ah Oo Xaqdaro Ugu Xidhan Somaliland Oo Loo Gudbiyay
May 30, 2016 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Waxaa nuqul dheer oo dacwad ah iyo liis ay ku qoran yihiin maxaabiis reer  Somaliland ah oo Xaqdaro iyo duudsi ugu xidhan xukuumada Somaliand loogu gudbiyey Sabtidii 28/5/16 Xarunta dhexe ee udooda Xuquuqul insaanka iyo Xoriyatul qawlka ( Amnesty International ) magaalada London.  liiskaa dadka Xukuumadu sifaha xaqdarda ah ugu uxidhan waxaa ugu horeeyey
banaanbax5 banaanbax3
 
1- Saado Jaamac Aden (Saado Dheer)  oo ah hooyo dhashay 10 caruur ah oo xabisiga loo taxaabay taariikhdii 12/03/2016
2- 13 Maxbuus oo ka soo jeeda gobolka Saaxil oo  loo aaneynaayo in ay ka danbeeyeen dilkii foosha xumaa ee Taliyihii hore ee Ciidanka booliska ee gobolka saaxil laakiin ilaa iyo hada aan wax maxkamad ah la saarin maxaabiistaa si loo kala saaro kuwa danbiilaha iyo kuwa aan waxba geysan maadaama aan lagu qaban iyaga oo fal danbiyeedka faraha kula jira.
3-  Waxaa iyana ku jira liiska la gudbiyey Weriye yaashii dhawaan lagu xidh-xidhay gobolka Saaxil ka dib markii ay ka siidaayeen Saxaafada la iska arko iyo ta la iska maqlo war saxaafadeed sax ah oo caalamka oo dhan laga  wada daawaday loona qushuucay.
Xadhigan Xaqdarada ah ee lagula kacay muwaadiniintaasi  xal u noqon mayso xiisada ka taagan Magaalada Berbera ee waxay ku sii kordhinaysaa shacabweynaha reer Saaxil gaar ahaan Magaalada Berbera dareen dheeraad ah  kaas oo  foolan kara Kacdoon dadweyne oo ku baaha gobolka Saaxil iyo dhamaan Gobolada dalka oo dhan . Waxaana ay  cabudhintaa iyo cago jugleyntaa Berbera ka taagani  sii hurin doontaa oo sii shidaalin doontaa xiisada suuxsan ee hada ka a loosan Golobka Saaxil Caasimadiisa Berbera.
Waxaa dacwadaa iyo liiskaa maxaabiista xaqdarada ku xidhan  Gudbiyey Qurbe-joogta Gobolka Saaxil oo ay hormuud ka yihiin Garabka haweenka ee Qurbe Joogta Gobolka Saaxil ee aad sawirada sare ka dheehan karto.
Allaa Mahad leh
Gidida Fulunita ee Haweenka
Gobolka Saaxil.
Laanta London.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews