“Gobolka Sanaag Godoon ayuu Dalka Kaga Jiraa” Maayirka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur.
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wefti uu hor kacayo Mayarka Degmada Ceerigaabo muddane Ismaaciil Xaaji Nuur ,xilhibaanada golaha deegaanka ee ceerigaabo ,urur waynaha haweenka ee gobolka sanaag ayaa booqasho gaaban ku yimid xarunta dhaqanka ee Hargeysa. Kuwaasi oo indho indhaynayey qaabka ay u shaqayso Xarunta Dhaqanka ee Hargeysi.
