berberatoday.com
Tirsigii 2-aad ee Wareejinta Dekeda Berbera- Marna Maangashi Looma Diidana ee waxaa la diidan yahay Malabsiga iyo Mood ka urursiga : Qalinkii A/Fidhinle UK‏
May 30, 2016 - Written by Berbera Today
Ma Weecsin Beegsin mise Aloos iyo Agaasin Danbe !! Ma Qataabsi ama Qurbaani.. Mise Qadhaabsi iyo Qudh-Qudho joogto? Ma midigays iyo Oodeys ! Mise Gown iyo Maquuno kale  !! Boowe …Malaa….Waa Qaliban !! Mise ..Waaba Suke ! Mise ..Waa Deman iyo Dirham-quud !! Mise Xaalku waa Doog dhabasho iyo Doogsin carar !! intaasina waa iga arar dabo galkeedii ee bal aan hoos u dhaadhaco !!……. !!
-Bal aynu Adeegsano hadaladii iyo hawraartii maalmahan loo adeegsanayey Heshiiskii Wareejinta Dekeda Berbera oo Xogtiisii la helay , inaga oo tixdii iyo tiraabtii laga dhawaajiyey bud-dhig iyo baleysin uga dhigayna oo weliba ku sii bishileyna hadaaqa bulshada bal aynu Tooshka ku shidno !!
Kuy’e Shirkada DPW waxay dekeda Berbera ku maalgelinaysaa aduun gaadhaaya $442 million
Lay’e  Shirkadda DP World waxay dekeda berbera maamuli doontaa muddo dhan 30 Sannadood.
Kuye’  Somaliland  waxaynu Shirkada DPW kula shuraakoobaysaa qiimaha Dekeda  oo ah % 35 inta kalena DPW ayaa iska leh
Lay’e hadana Dekeda Berberi waxay soo saartaa sanadkiiba  $130- 150 Million
Kuy’e Markaad ku dhufato 10 sanadood oo qudha waxaa kuu soo baxaaya in qiimaha dekedu yahay $1.3 – 1.5 Billion
Lay’e Xukuumadu waxay Dekeda ku  qiimaysay  qiimo aad u hooseeya oo qaadhaaya $ 100 Milion oo keliya
Kuy’e 65% sheerarka waxaa qaadanaya shirkada DPW, 35% waxaa qaadanaya Berbera Port Authority Somaliland
Lay’e  Gudida Maamuli doonta Dekada waa 7 xubnood oo 5ni waa DPW  2na waa BPA Somaliland
Kuye shirkada cusub ee la Sameeyo waxaa maamulaysa oo keliya DPW oo iyada ayaa yeelanaysa Maareeyaha iyo Maareeye ku xigeenkaba.
Lay’e xaga sharciga (Govering law ) waxaa la adeegsan doonaa shuruucda iyo xeerarka Ingiriiska
Kuy’e  xaga Xalinta khilaafaadka ( Dispute Resolusion ) hadii uu khilaaf yimaado oo la xalin waayo mudo 30 cisho gudahood ah waxaa la isla tegayaa sharciya UAE iyada oo la cuskanayo nuqulada shuruucda ee DIFC iyo LCIA.
                                                 Boowe maxaa halkaa kaaga baxa?  Waa aan  fuudee  Allow Fii  haa ….. !!!!
Waxaa kale oo iyana laga dhawaajiyey in  Term Sheet- ka heshiiska qodobadiisa loo adeegsanaayo Heshiiska Saamileyda ( shareholders agreements ) in aanay ku jirin
wax xeerar ama shuruuc ah oo laga soo dheegay ama laga xigtay xeerarkii iyo xeegaanadii qabyo qoraalka ahaa ee Maalgashiga Caalamagi ah ee Somaliland; Sidaa daraadeed ay Shirkada DPW ay ka faa’iidaysanayso sharci la’aanta dhinaca maalgashiga ee dawlada Somaliland maadaama aaney jirin JSL shuruuc maalgashi oo la ansixiyey ( no Public Private Partnership Law ) .Waxaa kale oo  madaxda  shirkada DPW ay xogog’aal u yihiin in aanay Somaliland xubin ka aheyn ururka (ICSID) oo ah urur caalami ah oo shuruucda Caalamiga ah ku kala saara Shirkadaha khilaafka ganacsigu soo kala dhex galo. Shirkada DPW ma aha shirkad maxali ah (private ) ee shirkad ay leedahay Dawlada Emerates oo aan marna  dawladeena Somaliland ictiraaf u ogoleyn had iyo jeerna uxaglisa marka la shiraayo dhinaca Somalia. Shirkada DPW waa shirkad aan sumcad  fiican ku laheyn Caalamka maadaama ay Dekedo Badan ku fadhilantay oo fadeexadi ka raacday oo ay isla galeen Maxkamadaha Ganacsiga ee aduunka. Sidaa Daraadeed waxaa Golaha Baarlamaanka ee Somaliland laga codsanayaa oo looga fadhiyaa in ay shirkadaa iyo Xeerarkeeda u kuur galaan oo nuxurka ku duuwan heshiiska Dekeda Berbera ay ummadda JSL u soo bandhigaan.
La soco tirsiga 3-aad———————————?
Boowe waxaan idiinku soo garoocayaa maanta ,
Shacabow tiraa kaa gedmane wax isu gey geyso!
Hasha ka irmaan Habaar qabe maal
Ana hawshiyo Habeeda imari
Geeso Haydhane Lo’da hadh udiid
misna ma hadhsado ee
Allow sahal amuuraha oo xaqa na garansii !!
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive  Advisor ED BD PA
United Kingdom
London

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews