berberatoday.com
Ugaadhsiga Suxufiyiinta Uwareegay Hargeysa Iyo Laba Wariye Oo Ciidamada Sirdoonku Hargeysa Ka Qafaasheen Oo La Layahay Meel Lagu Xidhay
May 30, 2016 - Written by Berbera Today

Ciidamada Sirdoonka Oo gacantooda ku qabtay Wariyayaal Ka Tirsan Wargeyska Foore Iyo Telefishanka Bulsho Tv Iyo Guddoomiyaha Solja Sidii Loo Qabtay 

“Haddii Awal Booliska Iyo Cid-Du Meelahaa Ka Ugaadhsan Jireen Suxufiyiinta Waxa Maanta Ku Soo Biiray Sirdoonka Oo Goob Guri Ah Ku Xidhay Laba Suxufi”…Guddoomiyaha SOLJA

Hargeysa(Berberatoday.com)-Sarkaal ka tirsan Ciidamada sirdoonka Somaliland ayaa shalay gelinkii hore qafaashay illaa imikana aan la ogayn meel ay kala dhaceen Guddoomiyihii Wargeyska Madaxa Bannaan ee FOORE Md. Cabdirashiid Sh. Cabdiwahaab iyo Agaasimaha Maamulka iyo Xisaabaadka ee Telefishanka BULSHO TV, iyada oo aan la ogayn sababta ay sirdoonkaasi u kaxaysteen suxufiyiintan.

Qafaalashada labadan saxafi ayaa dhacday abbaaro 10-kii subaxnimo ee shalay iyada oo wakhtigaasi ay masuuliyiin labadan saxafi ka mid ahaayeen ka qaxweynayeen Maqaaxi ku taalla Agagaarka Huteel Imperial ee Caasimadda Hargeysa. Mid ka mid ah masuuliyiintii goobta labadan saxafi laga xidhay ku sugnaa oo wargeyska FOORE u warramay ayaa sheegay in ciidamo sirdoon ah oo uu wato Nin Muxsin la yidhaa oo ah Taliyaha Ciidamada Sirdoonka ee Gobolka Maroodi Jeex uu labadan Suxufi halkaasi ka qafaashay isaga oo aan u sheegin sababta ay u xidhan yihiin illaa imikana aanay jirin cid ka war qabta sababta loo kaxaystay iyada oo aan labadaasi suxufi la keenin saldhigyada Booliska ee Magaalada Hargeysa.

Mowqifka Ururka SOLJA

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Md. Maxamuud Cabdi Jaamac oo shalay saxaafadda la hadlay ayaa xukuumadda ugu baaqay in ay degdeg u soo dayso labadan saxafi isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay in ay maalinba maalinta ka dambaysa sii badanayso tacadiyada loo gaysanayo saxafiyiinta Somaliland, wakhti wax ka yar 24 saacadoo laga joogay markii suxufiyiintii Gobolka Saaxil sharci darrada ugu xidhnaa garsoorku sii daayay.

Guddoomiye Xuuto oo ka hadlayay Arrinka labadan saxafi ee shalay sirdoonka qaranku qafaashay waxa uu yidhi: “Maanta waxaan saxaafadda ugu yeedhay dhacdo kale oo layaab leh oo bahda saxaafadda isla maalmo gudahood ku oo noqotay. Waxa nasiib darro ah in maalinnaba cashar laga baran waayo in suxufiyiinta la iska xidho oo sifo sharci darro ah lagu xidho. Maanta (Shalay) ciidamo ka tirsan sirdoonka Somaliland ayaa koox wariyayaal ah oo fadhida goob maqaaxi ah oo ah goobaha ay wararka ka doontaan, una dhaw Huteel Xaraf, halkaasi oo ay ciidankaasi ku soo weerareen kooxdaa saxafiyiinta ah iyaga oo gaadiid wata. Illaa hadda ma hayno xaqiiqooyinka ka dambeeyey qabashadaasi ay saxafiyiinta qabteen. Waxa weeyi fal liddi ku ah xorriyaddii saxaafadda iyo suxufiyiinta Somaliland. waad ogaydeen wiiggan gudihiisa in masuuliyiintii qaranku ku andacoonaysay in aan war la tabin Karin in suxufiyiinta tabisa la xidhi doono, waannu u mahad naqaynaa bahda garsoorku tallaabadii ay qaadeen suxufiyiintii Berbera lagu xidhay. Arrimahani waxa ay nasiib darro iyo fool xumo ku yihiin qarankii haddii maalin walba masuul ama maamulkii xukuumadda sida uu doono suxufiyiintii isaga xidhayo. Saaka wariyayaasha la xidhay inta aan ka ogahay waa laba wariye Cabdi Xasan Cabdi oo Bulsho ka shaqeeya iyo Cabdirashiid Sh. Cabdiwahaab Sh. Ibraahim oo ah Guddoomiyihii Wargeyska FOORE. Illaa imika ma ogin sababta rasmiga ah ee ay sidan u yeeleen ciidanku. Sidaasi ayaa labadaa wariye oo aan wax dambi ah gelin lagu xidhay markii uu kaxaystay taliyaha Sirdoonka Gobolku. Markii hore annaga oo u arkaynay in sifo sharci darro ah ay Ciidamada Booliska iyo CID-du ay suuqyada wariyayaasha uga ugaadhsadaan ayay maanta tani imanaysaa in hay’adihii Sirdoonka oo loo diray hawlo kale oo qaran in ay saxaafaddii sidan u kaxaytsaan oo sida ay doonaan yeelaan. Arrinkaasi waannu cambaaraynaynaa waanan ka xunnahay, waxaanan ku baaqaynaa in si degdeg ah xorriyadooda loogu soo celiyo labadaasi saxafi. Waannu ka daba tagnay saxafiyiintii la xakaystay, waxaannu abaarnay xeryihii aannu is lahayn waa lagu xidhay balse nasiib darro dhammaan saldhigyadii booliska waannu ka waynay balse markii dambe nasiib darro waxaannu ugu tagnay goob guri ah oo aan ahayn meel dadka lagu xidho sharci ahaan oo ay leeyihiin ciidankaasi sirdoonka ahi. Goobtaasi oo aannu leenahay ma aha goob ku habboon inta muwaadin la iska soo qabsado waaran la’aan in la isaga xidho. Haddii saxafiyiinta dambi laga tirsanayo waxa ay ahayd in sifo sharci ah loogu soo maro qabashadooda kadibna meelaha loogu tala galay lagu xidho. Arrinkaa waxaannu u aragnaa nasiib darro weyn oo soo korodhay oo waji gabax ku ah xorriyatul qawlka ahna ku tumasho sharci” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Guddoomiye Xuuto.

 

Xadhigii wariyeyaasha Berbera

Shalay ayaa xabsiga Magaalada Berbera laga sii daayey Afar Saxafi oo uu sifo badheedh ah ku xidhay Maayirka Magaaladaasi.

Maxkamadda Gobolka ayaa xoriyadooda u soo celisay Suxufiyiintaas oo xabsiga loo taxaabay maalmihii Arbacada iyo Khamiista, iyadoo lagu eeddeeyey inay warbaahinta ka baahiyeen hadal uu jeediyey mudane ka tirsan golaha Deegaanka Berbera, kaasoo madaxtooyada iyo Maayir Cidin dhibsadeen hadal uu u jeediyey wefti ka socda Shirkadda Maal-gashanaysa Dekedda.

Xadhiga saxafiyiinta ayaa sahlanaa bilihii hore ee sanadka-ka marka la barbar dhigo sanadihii hore, hase ahaatee taas macnaheedu maaha inay yaraatay cabudhintii saxaafaddu ee waxa jir cabsi badan oo la soo deristay wariyeyaasha, kaddib markii ay xukuumaddu u awood sheegatay Hay’addo saxaafaddeed, sida Wargeyska Haatuf oo saddex sannadood xidhan.

 

Bahda Berberatoday.com, waxay cambaareynayaan talaabo kasta oo ka dhan ah xoriyada Saxaafadda iyo xuquuqda aasaasiga ah ee ra’yi dhiibashada. Waxaanu ka soo horjeednaa xadhiga saxaafadda ee baal-marsan Xeerark iyo Dastuurka dalka. Saxafigu dambi wuu geli karaa, laakiinse sharci maaha ciqaabta  ka horaysa dambiilenimada ee lagula kaco wariyeyaasha.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews