Ciidamada RRU-da Oo Habeenkii Xalay Gurigiisa Kala Baxay Boqor Axmed Badmadow Iyo Sababta Xadhigiisa
May 31, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidamada RRU-da ayaa habeenkii xalay Gurigiisaa kala baxay Boqor Axmed Badmadow oo kamid ah madax-dhaqameedka Somaliland. Boqorka ayaa la sheegay inuu hadda ku xidhan yahay xarunta Danbi Baadhiista ee ciidamada C.I.D-da. Lama ogga cidda bixisay amarka lagu soo xabisay goor saqdhexe ah Boqorka, balse warar xog-ogaal ah ayaa sheegayaa inuu soo bixiyey amarka lagu soo xidhay boqorka musharraxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, kaasoo wararku sheegeen inuu ku raali-gelinaayo cabasho uga timi boqor Buur-madow, oo sida la sheegaay boqorkan xidhan u arkay mid isagga lagu wiiqayo madax-dhaqameednimadiisa. Sidoo kale, xoggaha laga helaayo xadhigan Boqor Axmed ayaa intaa ku daray, inuu xadhistiisa gacan weyn uu ku leeyahay wasiirka hawlaha guud Cali mareexan.