berberatoday.com
Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Bilawday Dhagaysiga Dacwad Loo Haysto Masuuliyiinta Wargeyska Hubsad
May 31, 2016 - Written by Berbera Today

hubsadHargeysa(Berberatoday.com)-Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Bilawday Dhagaysiga Dacwad Loo Haysto Masuuliyiinta Wargeyska Hubsad Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa Maanta bilawday dhagaysiga dacwada loo haysto Masuuliyiinta Wargeyska madaxa bannaan ee Hubsad, guddoomiyaha Wargeyska C/rashiid Nuur Wacays iyo Tifaftiraha guud ee Wargeyskaasi Siciid Khadar Aw Cabdillaahi. Dhagaysiga dacwadan oo dhawr jeer dib uga dhacay waqtigii loo qabtay ayaa salka ku hayay warar Wargeyska ku soo baxay aakhirkii Sannadkii ina dhaafay 2015-kii oo ay dhibsatay Madaxtooyada Somaliland. Garsoore Idiris Maxamed Muxumed oo ah garsooraha gacanta ku haya kiiskan oo ugu horayn halkaasi ka akhriyey eedaynta ayaa Saxafiyiintu ay gaashaanka ku dhufteen eedayntaasi iyagoo Maxkamada horteeda ka caddeeyey inaanay gelin dambiga lagu soo eedeeyey. Ka dibna garsoore Idiris, waxa uu xeer ilaalinta guud ee Qaranka oo kiiskan dhibane ka ah uu ka codsaday inay Saxafiyiinta ku soo caddeeyaan oo ay keenaan Markhaatiyo ama caddaymo sugan oo la xidhiidha kiiskaasi. Waxaanay Maxkamadu u mudaysay dhagaysiga dacwadan todobada bisha soo socota ee June oo ku beegan Maalinta Salaasada ee todobaadka soo socda. Dhagaysiga dacwada waxa maanta ka soo qayb galay Guddoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA, Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) Saraakiil ka socotay Xarunta Xuquuqul insaanka Madaxa bannaan ee S/land ( Human rights center) iyo Saxafiyiin kale oo tiro badan. Dacwadan loo haysto Wargeyska Hubsad ayaa baqdin ku abuurtay qaybaha kala duwan ee bahda Warbaahinta Madaxa bannaan ee Somaliland in ayna ku dhiiran warar badan oo xaqiiqada ku salaysan oo ay soo tabinjireen Arintanina waxay qayb ka tahay tallaabooyin isa soo taraya oo ku saabsan isku dayo Xukuumadu ku damacsan tahay inay caddaadis ku saarto Wararka Warbaahinta madaxa bannaan ee Somaliland. Gabagabadii, waxa laga war sugi doonaa halka ay ku dambayso dacwada ciqaabta ah ee loo haysto Wargeyska Madaxa bannaan ee Hubsad

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warbixintan Oo Dhamaystiran

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews