Ciidamada Dalka Talyaaniga Oo Xabsiga U Taxaabay Laba Nin Oo Ka Ganacsan Jiray Tahriibinta Dadka
June 1, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidamadda Badda Talyaaniga ayaa gacanta ku dhigay labo nin oo la sheegay inay dadka Tahriibin jireen, iyadoo labada nin ay naaquude ka ahaayeen Doon ku degtay agagaarka Xeebha Sichilia.
![tahriibayal](http://baligubadlemedia.com/bgm/wp-content/uploads/2016/04/tahriibayal.jpg)
Sida ay xaqiijinayaan Warbaahinta Talyaaniga labada nin ayaa laga dhex qabtay 630 ruux oo Ciidamadda Badda Talyaaniga ay bad baadiyeen, waxaana la dhigay xabsi ku yaalla Jaziirada Sichilia.