berberatoday.com
Guddoomiyaha Golaha Guuritda Oo Maanta Dalka Kusoo Laabtay Kana Hadlay Arimaha Doorashada,Heshiiska Dekada Berbera Iyo Buuq Kadhashay Magaalada Laascanood 18 May
June 1, 2016 - Written by Berbera Today

 

“Doorashadu waa inay Dhacdaa,  isbadal ayaa loo baahanyahay”

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha golaha guurtida somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in loo baahanyahay in doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo si bulshadu u hesho Isbadal.

Guddoomiye Saleebaan waxaa uu sheegay in golaha wakiiladu la cusboonaysiiyo “Doorashadu waa inay dhacdaa tii madaxwaynuhu isagoo dhaaranayaa oo waala qabanayaa waan maqlayay, ta wakiiladuna waa inay dhacdaa dadkuna isbadal ayuu u baahanyahay, khaladna maaha in bulshada lagu noqdo” ayuu yidhi Mudane Saleebaan.

Guddoomiye Saleebaan oo warbaahinta kula hadlay xarunta golaha guurtida waxaa kale oo uu ka hadlay qalalaase ka dhacay deegaanada beri maalintii la xusayay 18may iyada oo bulshadu goboladaasi ku nool qaarkood ku doodayeen inay Somaliland tahay beesha dhexe oo aan loo dhameyn.

Mudane Saleebaan waxaa uu sheegay inay Somaliland ku dhawaaqeen beelaha darafyada Somaliland ee ka cabanaya beesha dhexe. “Beelaha darafyadu way ka qayb galeen markii Somaliland lagu dhawaaqayay oo iyaga ayaa ku dhawaaqay oo beelaha dhexe kuma dhawaaqin ee haka raali noqdeen maalin walba maanu is badalaynaa inta Somaliland (diidani) waa inyar inta kale ayaa badan”ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Waxaa uu intaasi raaciyay oo  uu yidhi“Hadii muwaadiniinteenu inaga cabatay Ilaahay hasoo hadeeyo, Cali Khaliif waa ninkaasi Eyda  iska wareegaya ee dadka halagala hadho.”

Sidoo kale guddoomiyaha aqalka Guurtida Somaliland oo su’aalo warbaahintu ka waydiisay heshiiska dekada Berbera ayaa soo dhaweeyay qorshaha shirkada DP World ku maalgalinayso dekada Berbera isagoo dadka kasoo horjeeda  ugu baaqay inaanay diidin  heshiiskaasi maadaama aanu dhaqan galin.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews