Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Wefti Ka Socda Dalka Cumaan Oo Ka Wada Hadlay Xaalada Amaanka Somaliland
June 1, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran Cadde, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ballaadhan oo ka socday Madaxtooyada Dawladda Cumaan .
Weftigan oo uu hogaaminayey dhaxal sugaha Boqortooyada Cumaan General Nuux ayaa ujeedada socdaalkoodu ay ahayd sidii ay usoo indho indhayn lahaayeen xaalada amaan iyo ta maalgashi ee Somaliland.