berberatoday.com
Maamulka Dawlada Hoose Ee Berbera Oo Kulan Lagu Dardar Galinayo Nadaafada Huteelada Iyo Sariibadaha La Yeeshay Mulkiilayaasha Hutelada Iyo Hiliblayaasha
June 2, 2016 - Written by Berbera Today

kulanka3Berbera(Berberatoday.com)-Maamulka Dawlada hoose ee Berbera ayaa kulan la qaatay Hutelada, Hiliblayaasha iyo bahda ka shaqaysa sariibadaha Khudaarta iyo hilibka lagu iibiyo kulankan oo ka dhacay xarunta dawlada hoose ayaa waxa kasoo qeyb galay Xoghayaha dawlada Hoose Cabdikariin Aadan Cade, agaasimaha waaxda arimaha bulshada iyo Fayadhawrka Jimcaale Cabdillahi Jaamac iyo isuduwaha Wasaarada caafimaadka ee Gobolka Saaxil waxaana kulankaas ka warbixiyay oo aanu pagekiisa barta facebooka qoraalkan kasoo xiganay Agaasimaha Waaxda arimaha Bulshada ee dawlada hoose ee Berbera Jimcaale Cabdillahi Jaamac waxaanu yidhi”Waxaan galabta isugu yeedhnay Mulkiilayaasha Huteelada Cuntada ku haysta gudaha magaalada Berbera iyo gudida sare ee iskaashatada hiliblayda nafaqo.

Kulankan oo ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee aanu qabano, isla jeerkaasna uu nagu wehelinayay Isuduwaha wasaarada caafimaadka ee degmeda Berbera Dr. Iid Aden Axmed ayaa falanqayn iyo doodo muhiim ah ka dib waxa laysla qaatay qodobadan hoos ku xusan:-

1. In dawlada hoose, wasaarada Caafimaadka, hudheelada cuntada iyo ururka nafaqo ay yeeshaan wada shaqayn buuxda.

2. In mulkiilayaasha huteelada cuntadu ay kor u qaadaan nadaafada hudheelka, gaar ahaan ta weelka cuntada lagu kariyo ama lagu cunaba, madbakha cuntada lagu kariyo, Miisaska iyo Kuraasta.

3. In Huteel kasta ay waajib ku tahay in uu samaysto Bulaacad uu ku shubo qashinka dareeraha ah taas oo ka dheer goobta cuntaa lagu kariyo.

4. In dawlada hoose ee Berbera ay diyaarin doonto Shahaada nadaafada Huteelada ( Sanitary Card) oo u kala baxaysa A,B,C iyo D kuwaas oo lagu qiimaynayo hoteel kasta heerkiisa nadafadeed laguna dhajin doono Goobtiisa lacag ururinta ama qaabilaada ( Reception Place).

5. In Shaqalaha ka shaqeeya Huteelada Cuntada sida Kuukta iyo mudalibiinta la siin doono kaadh caafimaad baadhis ka dib, taas oo ay fulin doonto wasaarada Caafimaadka lixidii biloodba hal mar.

6. In Hiliblayaasha Nafaqo ee ka ganacsada Sariibadaha magaalada Berbera ay Hilibka ay gadayaan u samaysan doonaa kabadh quraarad ah oo yar, kaas oo difaac uga ah nadaafad darida isla markaana laga dhex arki karo hilibka ku jira, kaas oo qiimo ahaan aad u jaban isla markaana ay dawlada hoosena diyaar u tahay inay gacan ka gaysato cidii karaan ahaan uu ku adkaado.

7. In dawlada hoose ay xoojin doonto u adeegida huteelada cuntada, gaar ahaan ka qaadida qashinka galinka danbe iyo jimcayaasha.

8. In Hoteelada cuntada iyo Hiliblayaashu ay hawshan ku dhamaystiraan mudo 45 Maalmood ah, kuna eeg July 15 2016 wixii intaa ka danbeeya ay dawlada hoose ogolaan doonin huteel nadafadiisu ay liidato isla markaana aanay shaqalihiisu haysan kaadhka caafimaadka waxaanay ka gudan doonto waajibaadka ka saaran ilaalinta Nadaafada iyo fayo-dhawrka.

9. In kulamada noocan ah la joogteeyo isla markaana la abuuro cid Matasha Huteelada Cuntada.

Mulkilayaasha Huteelada cuntada ayaa si wayn usoo dhaweeyay shirkan, isla markaana balan qaaday in ay qodobada laysla qaatay ay sidooda uga soo baxayaan, mudadaa loo qabtayna ay kuso hagajinahaan wixii ka dhiman nadaafad ahaan.

Xoghayeha Fulinta D/Hoose Md. Abdikariin Adan Cade o gabagadii shirka soo idleeyay ayaa mahadnaq iyo dhiirgalin siiyay kasoo qayb galayashi isagoo ku booriyay in danta bulshada meel looga soo wadajeesto.

Danta Dadku waa Daryeelka Nadaafada Goobaha Cuntada.

 kulanka3 kulanka2 Cabdikariin Aadan Cade Jimcaale cawke
Berberatoday.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews