berberatoday.com
Wasiir-xigeenka Amniga Oo Ka Hadlay Xaaladda Gobalada Bari –
June 2, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiir ku xigeenka Amniga Maxamed Muuse Diiriye ayaa digniin culus u diray Cali Khaliif Galaydh oo uu sheegay inuu ku fashilmay siyaasadii, waxaanu tilmaamay in aanay cidna ka yeeli doonin qas iyo fidno dalka laga abuuro.

 

Wasiir ku xigeenka Amniga Maxamed Muuse Diiriye oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Musharaxa u tartamaya masabka Madaxweyne ee Somaliya oo la sheegay inuu yimid deegaano ka tirsan Somaliland isagoo sita Calanka Somaliya, waxaanu yidhi “Cali Khaliif haddii uu wax tarayo oo uu awood leeyahay Buhoodle ayuu joogi lahaa oo laga saaray, iskaga baxna la yidhi, marba meel ayuu ku meeraystaa oo uu cagaha dhigaa, hawshiisi waa iska sidaas, awood badan oo uu xaggaas ku leeyahayna ma jirto, waana nin ay siyaasadu ka qasantay, siyaasada haddii aad mar iyo laba iyo saddex jeer ku saaqido waa la iska fadhiistaa, Cali Khaliifna waxaan kula talin lahaa inuu iskaga fadhiisto siyaasada.

Gobolka Sanaag waxaa uu ahaa Gobol degan, gaar ahaan Sanaag Barri, laakiin maalmahan dambe wax baa  la sheegaa, nin yidhi musharax baan u ahay Somaliya ayaa baa la yidhi uu yimid waxna maynu arag,waxaan leeyahay halkaas ayaad musharax u tahay oo lagu dagaalmaya ee halkani cod laguma bixinaya ee Somaliya iska xaaxaabo, haddii ILLAAHAY ku nabadgalyo uu u ku badbaado inuu halkaas iska tago ayey ahayd, balse inaga wax inagaga doonayo dadka qaar baa kugu gujiya ha lagu yeedho, iska kaalay ayaan odhan lahaa oo caruurta Calanka madaw ha naga barin”

Dhinaca kale Wasiir ku xigeenka amniga Maxamed Muuse Diiriye ayaa Bulshada ugu baaqay inay nabadooda ilaashadan, cid kasta oo ay ka shakiyaana ay Xukuumadda la soo socodsiiyaan, waxa kale oo uu ka hadlay Gobolada Sanaag iyo Sool oo uu Bulshada ku dhaqan ugu baaqay inay kaadhka Diiwaangelinta codbixinta si wanaagsan u qaatan marka la gaadho, waxa kale oo uu ayaan daro ku tilmaamay in dadka qaar ka xumadaan in horumarka iyo maalgashiga dalka laga wado ee Bulshada dhaqaale u abuuray inay ka hor yimadaan, waxaanu xusay in heshiiska Dekadda Berberi uu yahay heshiis qaranka iyo cid kasta oo  reer Somaliland ah dan u ah.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews