Ismaaciil Buubaa Oo Siyaasiyan Arin Taban Ku Tilmaamay In Somaliland Ka Qayb Gasho Tartanka Kubada Cagta Ee Abkhazia
June 3, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasiga caanka ah ee Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), ayaa siyaasiyan naqdiyay ka qayb galka ay Somaliland ka qayb gashay tartanka kubadda cagta ee wadamada aan la aqoonsan ee ka socda Abkhazia oo ka go’day dalka Georgia.
Md. Buubaa ayaa qoraal kooban oo uu ku qoray barta uu ku leeyahay twitterka, wuxuu ku sheegay in ka qayb galka tartankaasi uu muujinayo in Somaliland tahay dal ka go’ay Somaliya. “Marka laga tago xiisaha ay nafsiyan kor u qaadayso ka qayb galka Somaliland ee ciyaaraha abkhaasia, siyaasi ahaan waa arrin taban.” ayuu yidhi Buubaa oo intaas raaciyay “Waxay xoojinaysaa fahamka ah in Somaliland tahay gobal gooni u goosad ah. Somaliland kamay go’in Somaliya. Waxay ahaayeen laba dal oo midoobay lixdankii.”