berberatoday.com
Madaxweynaha Turkiga Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Oo Maanta soo Gaadhay Magaalad Muqdisho
June 3, 2016 - Written by Berbera Today

erdoMuqdisho(Berberatoday.com)-Diyaarad sida Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga Racep Tayyip Erdogan iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa soo caga dhigatey garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde magaalada Muqdisho.

Wefdiga waxaa garoonka ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh iyo madaxda kale ee Dowladda federaalka, waxaana ay salaan sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan ciidanka Soomaaliya.

Amniga ayaa si weyn lo adkeeyey waxaana xiran inta badan waddooyinka Muqdisho halbowlaha u ah oo la xirey subaxnimadii maanta, waxaana jidadka lagu xirey calamada Turkiga iyo Soomaaliya.

Waa safarkii saddexaad oo Erdogan ku yimaado Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011, Waxaana uu maanta ka soo duuley magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dhismaha Safaaradda cusub ee Turkiga

Dhismaha Safaaradda cusub ee Turkiga oo maanta xariga laga jaraayo

Madaxweynaha Turkiga oo ay garab taagan tahay Marwadiisa, ayaa xariga ka jarey Dhismaha Safaaradda cusub ee Turkugu Muqdisho ka dhistey, Dhismahan oo aad u weyn kuna yaala degmada Cabdicasiis ayaa Erdogan shegay in ay tahay tan ugu weyn ee ay Adduunka ku leeyihiin, taas oo muujineysa xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayuu yiri Erdogan. Racep Erdogan oo khudbad kooban ka jeediyey furitaankii ayaa sheegay in aysan jirin dal kale oo sida Turkigu u garab istaagey Soomaaliya.

Erdogan ayaa sheegay in ay hadda wadaan dhismaha xero weyn oo lagu tababari doono ciidanka, isla markaana uu soo noqon doono marka dhismahaasi dhamaado oo uu xariga ka jari doono.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo isaguna ka hadley munaasabadii furitaanka safaaradda Turkiga ayaa sheegay in uu si weyn uga mahad celinaayo taageerada hagar la’aanta ah ee Turkiga.

orda3

 

 

Xigasho Horseemadi.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews