berberatoday.com
Nin Aan Shaqo Haysan Oo Ku Guulaystay Inuu Diyaarad Helikabtar Ah Ka Sameeyo Hadhaaga Biraha
June 3, 2016 - Written by Berbera Today

Rustenberg(Berberatoday.com)-Nin muddo badan ku fikirayey inuu mar uun ku duulo diyaarad, balse camal la’aan iyo dhaqaale la’aan haysa aawadeed awooddi waayey inuu hamigiisa ka dhabbeeyo, ayaa muddo kadib sameeyey diyaarad  nooceedu yahay kuwa qumaatiga u kaca (helikabtar) oo uu ka sameeyey waxyaabo hadhaa ah oo biro u badan.

Diyaarad-sameeye

Ninkan oo magaciisa la yidhaah Mr. Visumuzi Mbatha oo si ku-meel-gaadh ah ugu nool degaanka Rustenberg ee dalka Koonfur Afrika, ayaa waqtigan noqday khabiir diyaaradaha sameeya iyo waliba duuliye diyaaradeed, kadib markii uu gacantiisa ku samaystay diyaarad Helikabtar ah (Helicopter).

35 jirkan oo asal ahaan ka soo jeeda degaan la yidhaa Libode oo ku yaal bariga Cape Town, ayaa sheegay inuu muddo niyadda ku hayey inuu ikhtiraaco diyaarad helikabtar ah.

“Waxa aan ku riyooday annigoo maamulaya helikabtar. Waxa ay markaas ahayd bishii January ee sannadkii hore, markii la garaacay amma lala soo baxaayey macdanta Platinum. Riyadaydan waxa ay sii socotay, waxaanan go’aansaday in aanan ka hadhin. Aad bay u fududayd inaan sameeyo helikabtarta, sababtoo ah waxa aan leeyahay hami ah inaan sameeyo waxaan doonaayo,” ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay inuu malinba bir yar iibsan jiray, kadibna biraha hadhaaga ah ee meelaha lagaga tagana isu keeno, kadib waxa uu awood u yeeshay nuu sameeyo helikabtar caadi ah, injiinka ay ku shaqaynaysaana yahay biro uu isagu sameeyey.

“Waxaannu u malaynaynay inuu nagu ciyaraayo markii uu bilaabay inuu isku keen keeno. Manaan arag wixii intaa ka dambeeyey maanta ka horow. Waxa aannu dhammaantay maqalnay codka mishiinka iyo marawaxada,” ayuu yidhi Kgositsile Lumko oo ninkan jaar yihiin, waxaanu intaa ku daray; “Waxaannu yaabnay. Waligayo kamaannu fikirin wax sidaas oo kale ah in halkan lagu samayn karo. Ninkan waa nin maskax badan. Dawladdu waa in ay caawisaa si uu riyadiisa halkaas uga sii wado.”

Mbatha oo dugsiga kaga tegay fasalka 7aad, ayaa sheegay inuu inta badan xiisayn jiray sayniska, balse waxbarashadiisa sii wadan kari waayey lacag la’aan aawadeed.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews