Tobankii Milyan Ee Doolar Ee Xaqul Qalinkii Heshiiskii Dekadda Oon Wali Ku Soo Dhicin Khasnadda Dawladda
June 3, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)– Toban milyan oo doolar oo aheyd lacag ay shirkadda Dubai World u bixisay Xaqul Qalin ahaan isla markaana ay ku wareejisay xukuumadda madaxweyne Siiraanyo sagaalkii bishan May ee ina dhaaftay ayaan war iyo wacaal loo heynin meel ay mareen iyadoo aanay ilaa hadda ku dhicin khasnadda dawladda.
Waxa todobaadyadan oo dhan cabanayey dadkii daymanka doolarka ah ku lahaa xukuumadda iyadoo lagu khasbayey inay lacagtoodii ku qaataan Shilinka Somaliland oo waliba ay yeelaan in loogu sarifo sicir ka hooseeya kii suuqa oo ay ku khasaarayaan taasoo ay dawladdu ku sababaynaysay in aan doolar oolin baanka.