berberatoday.com
Wasiirada Dhuumashada Ku Baxay Ee Dubay U Socdaalay Iyo Cali Xooxoor Oo Laga Tagay
June 3, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa saaka ka ambabaxay dalka iyagoo usii jeeda magalaada Dubay ee Imaaraatka Carabta wafdi wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda madaxweyne Siiraanyo si ay usoo dhameystiraan heshiiskii hordhaca ahaa ee bishii hore halkaas ku dhexmaray dawladda Somaliland iyo shirkadda Dubai Ports World kaasoo ay labada dhinac isku afgarteen inay ku shuraakoobaan shirkad cusub oo la wareegta gacan-ku-haynta dekadda Berbera muddo 30 sanadood ah.

Xubnaha wafdigan oo uu horkacayey Baashe Cawilka uu madaxweyne Siiraanyo soddoga u yahay kana mid ahayeen wasiirada Arimaha Dibadda Sacad Cali Shire,Madaxtooyada Maxamuud Xaashi,Maaliyada Zamzam Cabdi Aadan iyo Qorshaynta Cali Salaan Jirde ayaa waxa laga reebay maareeyihi dekadda Berbera Cali Xoor Xoor oo ah qofka kaliya ee lagu tirinayey inuu aqoon farsamo iyo waayo-aragnimo u leeyahay arimaha dekaddaha kaasoo markii uu subaxnimadii madaarka yimid loo sheegay in aanu ku jirin dadka fiiseyaasha loo soo saaray.

 

Waxa  isna xubinimadii wafdiga aan lagu soo darin wasiirkii Ganscsiga oo isagu ka mudna wasiirada kale ee wafdiga baxay ka koobnaa maa daama heshiiska dekaadu yahay mid inta badan ku lug leh arimo ganacsi.

Heshiiska ku meel gaadh-ka ah ee kor ku xusan ayaa waxa uu dhigaya in shirkadda DPW yeelato 65% saamiyada shirkadda cusub ee dekadda lagu wareejinayo ,dhinaca Somaliland-na yeesho 35%-ka soo hadha.Hasa yeeshee  waxa  isa soo taraya wararka sheegaya inay jiraan qodobo qarsoodi ah oo ay shirkadda DPW  ugu ogolaatay Baashe Cawil iyo Cabdiraxmaan Boore saaami 14% ah oo ka mid moqonaya qaybteeda 65% ah taasoo saamiga dhabta ah ee DPW ka dhigaysa 51%.Xukuadda Somaliland ayaan ilaa hadda beenin amaba rumaynin inay wararkaasi wax ka jiraan iyo inkale.

 

 

 

Xigasho Haatuf.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews