berberatoday.com
Hargeysa”Dadwayne Danyar Ah Oo Gaajo Iyo Macaluul Ka Cabanaya Iyo War la’aan Xukuumada Somaliland
June 4, 2016 - Written by Berbera Today

Xaalada Nololeed ee Danyarta ku nool Xaafada Faluuja oo sii adkaanaysa iyo dayaca Xukuumada Somaliland ee Muwaadiniintaas

“Haddii Caawa la Soomo walaahi inaanan Haysan waxaanu ku Soom”Hooyo 50 jir oo ku nool xaafadaas

Hargeysa(Berberatoday.com)-Qaar ka mida  danyarta ku nool Xaafada Faluuja ee magaalada Hargeysa ayaa cabasho xoogan ka muujiyay nolol Xumo soo waajahday intii ay dageen xaafadaas.

Danyartu waxay si aada uga cabanayeen wax la’aan iyo noloshii caadiga ahayd oo ku adkaatay kadib markii ay waayeen Nolol maalmeedkii ay ku noolaan lahaayeen.dadkani waxaa kale oo ay ka cawdeen Hoy la’aan, waxbarasho la’aan, Cisbitaalo aan ka jirin xaafada iyo saldhig Booliis Mid toona.

Dadwaynaha Danyarta ee ku nool xaafada Faluuja oo maanta la hadlay Warbaahinta waxaa ay sheegeen inay jiraan dad xaafadaasi ku nool oo curyaamiin ah islamarkaana aan haysan cid u daryeesha ama gargaarta.

“Maanta waxaan Ilaahay ugu dhaaranayaa oo anigaygaa hadlayaa aan kamid ahay inaan bishaa Ramadaan hadii caawa la soomo wax aanu ku soono aanaan haysan.”ayay Tidhi Hooyo Maryan Siyaad Kalan oo ka mida danyarta xaafadaasku nool islamarkaana  si qiireysan uga hadashay Xaalada Bini’aadanimo ee ay ku suganyihiin iyo sida ay dawladu u ilowday.

Dadwaynahani waxay sheegeen inaanay garanAYN  dawlad alaale iyo dawlada u talisa iyagoo xusay in dawlada Somaliland ay dajisay xaafada ay deganyihiin islamarkaana lagu ilaabay Xaafadaas oo aanay jirin dawlada iyo cid u timid toona.“Xaafadu Rug booliis male, rug caafimaad male, meel qashin gura male, gaadiidka soo maraa Baloodho ayuu usoo maraa, xaafadan wixii guryaha loo dhisay mooyee wixii kale bacadbaa dilay, dhaxanbaa dishay, dheelbaa dilay, darxumay u dhinteen, dawlada Jabuuti, ta Ethoopia, mida Somaliland iyo Somaliya meel alaale meel lanaga Xukumo, ma naqaan”ayuu yidhi Odey ka mida dadka danyarta ee ku nool xaafadaasi.

 

Xukuumada Somaliland inta badan Masuuliyad  iskama saarto dadka danyarta ee ay Masuulka ka tahay iyadoo ku mashquulsan arimaha siyaasada iyo hawlaha kale oo shakhsi.

Sanadkan horaantiisii waxaa  Xaafada State House oo 1Km u jirta Madaxtooyada Somaliland  Gaajo Darteed Bisad ku qashay laba Nin oo walaalo ah kadib markii ay waayeen Wax ay quutaan ama ay Cunaan.

 

Badan Bulshada ku nool magaalada Hargeysa oo u badan dad danyar ah ma haystaan cid u gargaarta oo wax u qabata.

 

 

 

Berberatoday.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews