berberatoday.com
Tirsigii 3-aad – Maalgelinta Dekeda Berbera Lama Diidana ee waxaa la diidan yahay in Midigays iyo Oodeys uu xaalku noqoto. qalinkii A/rahman fidhinle UK‏
June 4, 2016 - Written by Berbera Today
Ma ..Weecsin iyo Beegsin mise.. Aloos iyo Agaasin Danbe oo sii hadha  !! Ma Qataabsi iyo Qurbaani.. Mise Qadhaabsi iyo Qudh-Qudho joogto ah ?   ! Mise Gown iyo Maquuno kale  !!  Boowe …Malaa….Waa Qaliban !! Mise ….Waaba Suke ! Mise …Waaba Deman iyo Dirham-quud !! Mise Xaalku waa Doog dhabasho iyo Doogsin carar !! intaasina waa iga arar dadab-galkeedii ee bal aan hoos u soo dego !!……. !!
inaga oo bud-dhig iyo baleysin la inoogu garaabo uga dhigayna hadaladii iyo hawraartii maalmahan loo adeegsanaayey Heshiiskii Wareejinta Dekeda Berbera oo Xogtiisii  lagu mergaday, inaga oo weliba sii tix-raacayna tixdii iyo tiraabtii laga tiriyey kuna bishilayna hadal haynta DBW iyo hadaaqa bulshada bal aynu Tooshka ugu yara  shidno ummadda !!
Kuy’e Shirkada DPW waxay dekeda Berbera ku maalgelinaysaa aduun lacageed oo gaadhaaya $442 million.
Lay’e  Shirkadda DP World waxay dekeda berbera maamuli doontaa muddo dheer oo dhan 30 Sannadood.
Kuye’  Somaliland  waxaynu Shirkada DPW kula shuraakoobaysaa qiimaha Dekeda  oo ah % 35 inta kalena DPW ayaa iska leh
Lay’e hadana Dekeda Berberi waxay soo saartaa sanadkiiba  $130 Million ilaa iyo  150 Million
Kuy’e Markaad ku dhufato 10 sanadood oo qudha waxaa kuu soo baxaaya in qiimaha Dekedu yahay $1.3 Billion – 1.5 Billion
Lay’e Xukuumadu waxay Dekeda ku  qiimaysay  qiimo aad u hooseeya oo qaadhaaya $ 100 Milion oo keliya
Kuy’e 65% sheerarka waxaa qaadanaya shirkada DPW, 35% waxaa qaadanaya Berbera Port Authority Somaliland
Lay’e  Gudida Maamuli doonta Dekada wuxuu noqon doonaa 7 xubnood oo 5ni waa DPW  2na waa BPA Somaliland
Kuye  Shirkada cusub ee la Sameyn doono waxaa loo bixin doonaa magaca Berbera Port Operation Company ( BPOC)
Kuye  Shirkada cusub ee la Sameeyo waxaa maamulaysa oo keliya DPW oo iyada ayaa yeelanaysa Maareeyaha iyo Maareeye ku xigeenkaba.
Lay’e  Shirkada cusubi waxay kordhin doontaa cashuurta sanadkiiba laba goor si ay ula tar-tanto Dekedaha dallalka deriska ah
Lay’e xaga sharciga (Govering law ) waxaa la adeegsan doonaa shuruucda iyo xeerarka Ingiriiska
Kuy’e  xaga Xalinta khilaafaadka ( Dispute Resolusion ) hadii uu khilaaf yimaado oo la xalin waayo mudo 30 cisho gudahood ah waxaa la isla tegayaa sharciya UAE iyada oo la cuskanayo nuqulada shuruucda ee DIFC iyo LCIA.
     Boowe markaad u fiirsato maxaa qodoban sare kaaga baxay?  Waa aan fuudee  Allow Fii  haa ….. !!!!  Allow Fii Haaa  !!!
Weli Aduunka lama arag oo lama maqal Maalgashi kan oo kale ah oo 30 sanadood ah oo  lagu maalgeliyo $430 million oo qudha , iyada oo lagu qiyaasay in Bekedu 10-kii sanadoodba ay soo saari karto $1.3 Million ilaa $1.5 Million.  Boowe, bal maxaa iyagana u maleynaysaan Qalabkaa 30-ka sanadood shaqaynaayey siduu u eekaan doono ileyn wuu daalaye,  Wuu hawlgabayaa oo daxaleysanayaa oo lagaaga guurayaa markuu heshiiska 30-ka sanadood ahi uu dhamaado ee  markaa  Muwaadin maxaad dhaxashay xaga Dekeda ?
Guntii iyo Gebagebadii :  Waxaa Golaha Baarlamaanka ee Somaliland laga codsanayaa oo looga fadhiyaa in ay shirkadaa  DBW iyo Xeerarkeeda u kuur galaan oo taxadar badan iyo wada tashi badan ka sameeyaan nuxurka ku duuwan heshiiskan ka gaadhsiiska ah ee lagu Sadqeynaayo Dekeda Berbera oo aheyd ibtii dhaqaale ee habaysay Qaranka Somaliland.
La soco tirsiga 4-aad  iyo nuxurka qarsoon ee ku duugan Wareejinta Dekeda Berbera-        ——————————–??
Boowe waxaan idiinku soo garoocayaa maanta ,
Shacabow tiraa kaa gedmane wax isu gey geyso!
Hasha ka irmaan Habaar qabe maal
Ana hawshiyo Habeeda imari
Geeso Haydhane Lo’da hadh udiid
misna ma hadhsado ee
Allow sahal amuuraha aduunyada !!
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madaxbanaan
Intensive  Advisor ED BD PA
United Kingdom
London

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews