berberatoday.com
Xeer Laga Soo Saarayo Awoodaha Dawlada Dhexe Iyo Dawladaha Hoose Ee Maamulka Dhulka
June 4, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiiradda Wasaaradda Deegaanka Marwo Shugri Xaaji Bandare ayaa ka hadashay khilaafkaadka dhulka oo badanaaba dhibaatooyin iyo muran ka dhasho, waxayna sheegtay in laga sameyn doono xeer haga siyaasada dhulka iyo kala xadaynta awoodaha ay u kala leeyihiin Dawladda dhexe iyo Dawladaha hoose ee dalka, waxayna tilmaamtay in arintaas hadda lagu jiro.

shukri

Wasiiradda Wasaaradda Deegaanka Marwo Shugri Xaaji Bandare oo u waramaysay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadashay qiimaha uu Deegaanku u leeyahay Bulshada, dhibka ka dhalan kara xaalufinta Deegaanka iyo xeerka ka yaala cid kasta oo si badheedh ah deegaanka wax u yeesha, waxayna bulshada kula talisay inay ku dadaalan ilaalinta Deegaanka, waxayna tidhi  “Waxa laga hadlay shuruucada la sameeyey, waxaana la sameeyey shuruuco faro badan oo dhinaca dhulka ah  inta aan xeer guud la sameeynin, waana in la helaa siyaasadii guud ee lagu hageyey dhulka, xeerna waa inuu ka dheegnaa siyaasadaas dhulka, siyaasadaas oo ah sidee bay dawladdu u maamulaysaa dhulka, iyo sidee bay dawladda dhexe iyo dawladdaha hoose u maamuli lahaayeen dhulka iyo awoodaha ay kala leeyihiin, wada tashi ayaa arintan laga sameeyey, qabyo qoraalna waa laga sameeyey, qabyo qoraalkaas ayaa lagu noqonayaa, Golayasha Barlamaanka Golayaasha Deegaanka iyo Badhasaabada dalka ayaa arintan iskaga yimid, dibna arintan waa loo galayaa, kadib marka meel wax la isla dhigo, oo la isku afgarto shuruucda iyo siyaasada dhulka waxa loo gudbinayaa Madaxweynaha.

Waxaan ku talinayaa in Deegaanka la daryeelo, marka deegaan laga hadlayaana waxa soo galaya reer Miyigi, Daaqii, Beerihii iyo Dhirtii,anaguna waxaanu doonaynaa inay sida ugu wanaagsan dadku ugu faa’iidaystaan khayraadka ILLAAHAY ina siiyey, bisha shanteedana waa maalin ay aduunyada oo dhami u dabaaldegto maalinta deegaanka adduunka, adduunka oo dhana cabasho dhinaca deegaanka ah ayaa ka jirta oo ah in sidii la doonayey aan loo maamulin deegaanka, dadkeenu ma hayaan sidii aynu u daryeeli lahayn una maamuli lahayn deegaanka, waxaana aad iyo aad ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha oo ka soo saaray xeer iyo digreeto, maalinta deegaanka waa maalin qiimo leh oo aan umadda xasuusinayo inaynu caalamka la mid nahay,  waana inaynu danaynaa xoogana saarnaa inaynu ubadkeena uga tagno mustaqbalka deegaan, cimilo iyo jawi wanaagsan oo nadiif ah”.

Wasiirada Deegaanka Marwo Shugri ayaa mar ay hadlaysay xaalufka dhirta ayaa  tidhi “Waxaanu wadnaa laba qorsho oo kala ah in aanu dadka ka wacyigelino ugana digno xaalufka dhirta iyo isticmaalka tamarta, oo waxaanu doonaynaa in dhirtii laga dhiganaayey dhuxasha in tamarta la isticmaalo, waxaana isticmaalka tamarta ka wada shaqeeynaynaa Wasaaraddaha Tamarta iyo Ganacsiga, hal ku dhiga maalinta deegaankuna waxaynu ka dhigaynaa tamartii bedeli lahayd dhuxasha, dadka dhirta jarana xeer baa ka yaala, xeerkaas baana lagu dabaqaya oo sharciga ayaanu hor keenaynaa cidii si ula kac ah geed u jarta, sidii aanu horeba u sameeynay”.

Dhinaca kale Wasiiradda Wasaaradda Deegaanka Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare, waxay sheegtay in Geedka Garanwanaagu dalka ku sii fidiyo, afar gobol oo ka tirsan dalka si aad ah ugu fiday, waxayna tilmaamtay in hadda kadib laga faa’iidaysan doono si waxyeeladiisa loo yareeyo, isla markaana wax dadka anfaca laga soo saaro.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews