berberatoday.com
Ganacstada Hamaha Shidaalka Berbera Oo Cadho Kaga Dareeray Qorshe Cusub Oo Madaxtooyadu Ka Wargelisay In ay Maamulka Ka Wareejin Doonaan Shirkadda DPW
June 5, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland iyo Ganacsatada Maal-gashanaysa ee ay hore xukuumaddu u siisay Haamaha Shidaalka Berbera ayaa ku kala kacay iskuna af garan waayay kulan laba maalmood ka hor ku dhex maray caasimadda Somaliland ee Hargeysa kadib markii Ganacsatadii dhawaan Xukuumaddu siisay Haamaha Berbera ay ka biyo diideen qorshe cusub oo xukuumaddu ula tagtay Ganacsatada oo ay ugu sheegeen in Masuuliyadda iyo Maamulka Haamaha Shidaalka lagu wareejin doono Shirkadda DP World ee Maal-gashiga ku samaysanaysa Dekedda Berbera marka ay guda gasho fulinta heshiiskii ay dhawaan xukuumaddu kula soo saxeexatay kambanigaasi waddanka Imaaraadka Carabta.
Ilo Wareedyo u dhuun daloola kulankaasi lagu kala kacay ee la isku af-garan waayay oo Wargeyska FOORE helay ayaa waxa ay tibaaxayaan in Ganacsatada Muwaadiniinta ah ee horeba xukuumaddu habka jujuubka ah ugu wareejisay Haamaha shidaalka uu soo kala dhex galay iyaga iyo xukuumadda madmadaw badani kadib markii Madaxtooyada Somaliland la timid qorshe cusub oo aan wali soo shaac bixin kaasi oo ay hab hordhac ah ugu war galiyeen ganacsatada Maal-gashanaysa Haamaha Shidaalku in laga rabo in ay u diyaar garoobaan sidii ay shirkadda DP World ugu wareejin lahaayeen Maamulka Haamaha Shidaalka Berbera iyada oo aan la ogayn sifaha sharci ee ay xukuumaddu u raacayso iyada oo la filayo in Wareejinta Dekedda Berbera ay ku lammaan tahay wareejinta Haamaha Shidaalkuna taasoo si weyn ay uga gilgisheen Masuuliyiintii Ganacsatada ka socotay ee kulankaasi xukuumaddu ku war gelisay taasoo keentay in ay cadho kaga dareeraan kulankaasi maadaama ay ku doodayaan in ay lacago badani ka galeen kuna maal-gashadeen Haamaha Shidaalka kadib markii lagu wareejiyey,sidoo kalena ay heshiis ay xukuumadda la galeen hore ugula wareegaan sidaa darteed aanay marnaba aqbali karayn in ay si degdeg ah isaga wareejiyaan Haamaha Shidaalka.
Xogo dheeraad ah oo la xidhiidha kulankaasi lagu kala kacay ayaanay noo suurto galin in aannu faahfaahimo kale ka helno iyada oo xukuumadda iyo ganacsataduba aad uga gaabsadeen in ay ka hadlaan kulankaasi lagu kala dareeray.
Illaa imika lama oga sababta keentay in Madaxtooyadu ka codsato ganacsatada reer Somaliland in ay wareejiyaan Haamaha Shidaalka ee ay shalay uun ku wareejiyeen iyada oo muddo badan muran hore uga taagnaa wakhtigii wareejinta xukuumadda ee Haamaha Shidaalka. Sidoo kale waxa aan la ogayn in heshiiska DPW uu qayb ka yahay wareejinta Haamuhuna. Ganacsatada ayaan la ogayn go’aankoodu wuxuu noqon doono.

Xigasho Wargeyska Foore

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews