Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Laga Badbaadiyey Qarax La Doonayey In Lagu Khaarajiyo
June 5, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidammadda Ammaanka ee Qaranka Somaliland ayaa maanta xarunta Maxkamadda sare ku qabtay sadex nin oo looga shakiyey inay qarxinayeen Maxkamadda sare ee Somaliland.
Illaa hadda Xukuumadda iyo laamaha ammaanku war kamay soo saarin qabashada sadexda nin, hase yeeshee ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in sadexda nin ay Miino nooca qalinka ah dhigen xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda sare, taasoo ay ugu talo galeen inay ku qarxiyaan guddoomiyaha Maxkamadda Sare.