Bisha Ramadaan waa bil weyn oo mucjisooyinka ALLE ka mid ah, Waa bil cibaado. Waa bishii Qur’aanka Kariimka ahi soo degey. Waxa ku jirta Ramadaan duruus tiro badan. Ajriga soomkeeda laga helo ka sokow, waxa laga bartaa: samirka, go’aan qaadashada, isu-damqashada, iyo waxyaalo kale oo wannaag ah oo tiro badan.
Sidoo kale, waxaan bisha Barakaysan ee Ramadaan awgeed Illaahay uga baryayaa bukaan jiifka ay Ramadaan ugu soo gashay iyaga oo aanu caafimaadkoodu taam ahayn, awoodna aan u lahayn soonka ALLE innagu waajibiyey, in uu ka dulqaado xanuunka, intii dhimatay ee aan nasiibka u yeelan in ay innala qaataan farxadan qaalliga ah ee bisha Ramadaana, waxaan Illaahay uga baryayaa denbi dhaaf iyo inuu jannooyinkiisa ku waaro.
Waxa kale oo aan halkan baaq uga dirayaa shacbiga gobolka Sool, gaar ahaan labada Ardaa ee walaalaha ah ee mashaqadu ka dhex dhacday, taas oo keentay khasaare baaxad leh oo naf iyo maalba leh oo qarankeenana dhaawac ku ah.
Waxaanan ugu baaqayaa in degdeg loo joojiyo collaadda sokeeye, caqliga wanaagsanna taliyo.
Waxaan ugu baaqayaa Garaadada, Cuqaasha, waxgaradka iyo culimada, inay u gurmadaan, isla markaana dhakhso loo soo afjaro dhiiga walaalaha ee qubanaya.
Ka xukuumad ahaana waxa naga go’an in aanan waxba kala hadhin sidii ay u istaagi lahayd collaaddu, waxaana muhiima in la karaameeyo oo la xurmeeyo bisha barakaysan ee Ramadaan.