berberatoday.com
Madaxweyne Silaanyo Oo Bulshada Ku Hambalyeeyey Bilashada Bisha Barakaysan Ee Ramadaan
June 5, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ayaa hambalyo u direy guud ahaan bulshada Somaliland, bilashada bisha barakaysan ee ramadaan awgeed, madaxweynuhu dhinaca kalena waxa uu baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirrirta collaadeed ku dhex marayso deegaanka Dharkeyn-geeye ee gobolka Sool.

Madaxweyne Silaanyo waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Anigoo ku hadlaya Magacayga, ka Xukuumadda iyo kan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Shucuubta Islaamka guud ahaan iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan, oo aan ku tahniyadaynayo bilashada bisha barakaysan ee RAMADAAN.

 

Waxaan leeyahay: RAMDAAN KARIIM, KULLU CAAM WA-ANTUM BIKHAYR. ILLAAHAY WAXAAN KA BARYAYAA INAYNU RAMADAANTAN TEEDA KALE INNAGU GAADHSIIYO BASH-BASH, BARWAAQO, AMNI IYO IIMAAN.

 

Bisha Ramadaan waa bil weyn oo mucjisooyinka ALLE ka mid ah, Waa bil cibaado. Waa bishii Qur’aanka Kariimka ahi soo degey. Waxa ku jirta Ramadaan duruus tiro badan. Ajriga soomkeeda laga helo ka sokow, waxa laga bartaa: samirka, go’aan qaadashada, isu-damqashada, iyo waxyaalo kale oo wannaag ah oo tiro badan.

 

Sidoo kale, waxaan bisha Barakaysan ee Ramadaan awgeed Illaahay uga baryayaa bukaan jiifka ay Ramadaan ugu soo gashay iyaga oo aanu caafimaadkoodu taam ahayn, awoodna aan u lahayn soonka ALLE innagu waajibiyey, in uu ka dulqaado xanuunka, intii dhimatay ee aan nasiibka u yeelan in ay innala qaataan farxadan qaalliga ah ee bisha Ramadaana, waxaan Illaahay uga baryayaa denbi dhaaf iyo inuu jannooyinkiisa ku waaro.

Waxa kale oo aan halkan baaq uga dirayaa shacbiga gobolka Sool, gaar ahaan labada Ardaa ee walaalaha ah ee mashaqadu ka dhex dhacday, taas oo keentay khasaare baaxad leh oo naf iyo maalba leh oo qarankeenana dhaawac ku ah.

Waxaanan ugu baaqayaa in degdeg loo joojiyo collaadda sokeeye, caqliga wanaagsanna taliyo.

Waxaan ugu baaqayaa Garaadada, Cuqaasha, waxgaradka iyo culimada, inay u gurmadaan, isla markaana dhakhso  loo soo afjaro dhiiga walaalaha ee qubanaya.

 

Ka xukuumad ahaana waxa naga go’an in aanan waxba kala hadhin sidii ay u istaagi lahayd collaaddu, waxaana muhiima in la karaameeyo oo la xurmeeyo bisha barakaysan ee Ramadaan.

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH,

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews