berberatoday.com
Muuse Biixi Oo Cadho Kaga Duday Madashii Lagu Soo Dhaweynaayay Mujaahid Axmed Mire Maxamed
June 5, 2016 - Written by Berbera Today

“Allaan Idin Ku Dhaarshe, Ninka(Muuse Biixi) Askari Sharciga Illaalinaaya Ka Cadhoodey Sidee Buu Dalkan Madaxweyne Uga Noqon Karaa?

Hargeysa(Berberatoday.com)-Ceeb iyo mas’uuliyad darro ka weyni ma jirto, marka nin dalkan han hoggaamineed ka lahi uu horseed ka noqdo burburinta sharciga, handidaad iyo hanjabaado ula kac ahna uu si badheedha ula dul fuulo ciidamada Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waa nin dalkan u soo halgamay, han madaxweynenimo-na ka leh, macquul maaha, garaadkeena iyo garashadeenana ceeb ayey inagu tahay nin u dul qaadan waayey askari ciidan ah oo tilmaamayey, sida oo kalena cay iyo aflagaadana kala dul dhacay in aynu u doorano qarankan Somaliland.
Madaarka Hargeysa, saaka waxa lagu soo dhaweynaayey Mujaahidka weyn ee Axmed Mire, guddoomiyaha Kulmiye-na raggii halkaas soo dhaweynta u tagay ayuu ka mid ahaa, se siyaasad ay ka ahayd ba, waxa uu dhowr jeer isku qaaday marino aan ahayn kuwa laga galo gudaha hore ee Madaarka Hargeysa, waxaana ciidamada Ammaanka Madaarka Hargeysa, ay isku dayeen in ay tilmaamaan oo ay ku haggaan halka laga galo gudaha hore ee Madaarka si uu Ina Mire ugu sii sugo qolka VIP-da, se ad adkaan iyo qalafsanaan badan ka dib, waxa uu ku gacan saydhay ciidamadii Madaarka oo tilmaamayey, isaga oo isku dayey in uu si khasab uu ku maro dariiq kale oo aan sharciga Madaarka waafaqsaneyn in la iska soo galo amar la’aan.
Dagaal af kal hadal ah iyo muran badan ka dib oo saaka hadheeyey Madaarka Hargeysa, Muuse Biixi, waxa uu si cadho leh uu uga soo duday halkii uu askarigu ka soo celiyey, waxaana uu gundhada u soo fuulay gaadhigiisii, walow ay isku dayeen in ay raali-geliyaan, soo na lad qabeeyaan ku xigeenka Madaarka Hargeysa, Maxamed Kaahin, iyo wasiiro tiro badan oo halkaas joogey balse waxa uu dhammaantoodba ku gacan saydhay codsigoodii iyo raali-gelintoodii ba, waxaana uu si aan mas’uuliyadi ku jirin uu si dudmo iyo cadho leh uu u soo xafarsiiyey gaadhigiisii isaga oo iskaga soo cararay soo dhaweyntii Mujaahid Axmed Mire oo weli markaas aanay soo degin diyaaraddii sidey.
Arrimaha noocan oo kale ahi, waxa ay muujinayeen sida weli Muuse aanu hayinka ugu noqon in uu xambaaro mas’uuliyadda qarankan, sida aanu weli ugu bislaan dawladnimada iyo nidaamka jira ee maamul se weli maankiisa iyo maskaxdiisa ay ka sii guuxayaan ad adkaantii, qalafsanaantii iyo xilligii jabhadeynta oo dhacdadan maanta ay cadeyn iyo marag xooggan ay u tahay.

 

Khadar Gureyte

Hargeysa/Somaliland

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews