berberatoday.com
Muxuu Ku Jawaabay Prof Axmed Ismaciil Samatar Mar La Waydiiyay Inuu Doonayo Inuu Noqdo Musharaxa Madaxwayne Ku Xigeenka KULMIYE?
June 5, 2016 - Written by Berbera Today

pro SamatarHargeysa(Berberatoday)-Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa markii u horesay sheegay inuu wada hadal hoose u socdo masuuliyiinta xisbiga KULMIYE,waxaana uu Axmed Ismaaciil Samatar sheegay inuu eegayo fursadaha uga soo baxa mansabka u doonaye kadib markay soo dhamaadaan wada hadaladaasi.

 

Pro Axmed Ismaaciil Samatar ayaa dhanka kalena ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aal la waydiiyay oo ahayd inuu doonayo in lagu maamuuso kursiga madaxwayne ku xigeenka KULMIYE oo uu hada u tartamayo madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici lana damacsan yahay in meesha laga saro Cabdiraxmaan Saylici, sidoo kalena waxa uu xusay prof-ku inuu hore ugu soo tartamay kursiga madaxwaynaha ee dawlada somaliya,balse hada uu eegi doono fursadaha mansab ee uga soo baxa wada hadalada u socda xisbiga KULMIYE.

Pro Axmed Ismaacil Samatar ayaa sidan ku sheegay waraysi uu tvga Star la yeeshay isaga prof arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi sida tan.

“Waxba hada kama jawaabayo su’aashaa aad I waydiisay saw hada maad garan”  aqoonyahan Axmed oo hadalkiis sii wata aya waxa uu intaa kudaray.

“Waan wada sheekaysanay walaalkay Muuse Biixi oo si wanaagsan baanu uwada sheekaysanay, horena iskumaanan aqoon, inkaste oo aan kasoo wada baxnay dugsigii Camuud aniga laba sanadood buu iga danbeeyey laakin aadbaa loo yar yaraa oo caruur baanu ahayn oo markaa ismaanan aqoon intii dabadeedna kulamo badan oo caynkaasa maanan yeelan laakiin waanu sheekaysanay dhawrkii bilood ee u danbeeyey mid wanaagsana way na dhex martay”Sidaas ayuu yidhi Pro Axmed Ismaaciil Samatar.

Aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu waraysigaa ku xusay in hore hamigiisu u ahaa inuu dalka somaliya madaxwayne ka noqdo balse uu waayay hadana uu eegayo jaaniska uga soo baxa wada hadalada uu la furayo xisbiyada dalka waxaana uu yidhi.

“Anigu madaxwayne ayaa hore ugu orday markaa madaxwayne ku xigeenka dee kolba siyaasadu siday u taalo in loo socdo weeye oo somalidu waxay tidha Kolba sidii loo jabo ayaa loo dhutiyaa wana muhiim laakiin aniga hamigayga ugu wayni wuxuu ahaa inaan somaliya oo dhan madaxwayne ka noqdo dee halkan waxii kaso baxa ee suuro gal ahna waan eegi doonaa”Sidas ayuu yidhi Pro Axmed Ismaaciil Samatr.

Axmed ISmaaciil Samatar ayaa gabagadiina waxa uu meesha ka saaray inuu jiro mansab u go’an oo uu doonayo isagu waxaaana uu sheegay inaanay jirin meel u go’an oo isagu damacsan yahay in lagu maamuusoo balse uu eegi doono mansabka  jaanisyada kasoo baxaa inay qanciyaanwaxaana uu yidhi.

“Fursadaha iyo suurto galada soo baxaa aniga siday ii qanciyaan weeye,xisbiga KULMIYE—na waxa uu ka mid yahay Saddexda xisbi qaran ee aan la sheekaysanayo ee iminkana wada hadaladu noo socdaan”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay.

Dhanka kalena gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa isna ka dhawaajiyay inuu kulan wada sheekaysi ah uu la yeeshay pro Axmed Ismaacil Samatar isga oo gudoomiye Cirrona sheegay inay xisbi ahaan iyo shakhsi ahaanba ay ul kulmeen Aqoonyahanka, blse gudoomiey Cirro ayaa isna waxa u xusay inay kusoo dhawaynayaan xisbiga balse ay go’aanku u yaalo Axmed Ismaaciil Samatar isna uu ku biiro xisbi alaale xisbiga u u arko in uu ka shaqaynayo danaha dalka iyo dadkaba.

Si kasteba ha ahaatee masuuliyiinta axsaabta qaranka Somaliland ayaa iyagu dadaalo hor leh ugu jira sidii ay u kala kasban lahaayeen uguna dhiiri galin lahaayeen xisbi kasataaba inuu kusoo biiro Pro Axmed Ismaaciil Samatar balse aqoonyahanka Ayaan isagu wali shacin xisbiga uu ku biyo shubanayo kuna biirayo,waxaan iyaduna xusid mudan in bulshada Somaliland ay uwada dhag taagayaan xisbiga uu ku biiri doono Axmed Ismaaciil Samatar.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews