Sool”Dagaalkii DHARKEYN-GEEYO Oo U Wareegay Deegaan Cusub, Tirada Dadka Ku Dhintay, Dedaalka Ciidammada Qaranka Iyo Laascaanood Oo Bandoo Lagu Soo Rogay
June 5, 2016 - Written by Berbera Today
Badhasaabka Gobolka SOOL Oo Wargeyska Himilo Uga Warramay Dagaalka Alloosan, Wuxuu Ka Dhashay, Dadka Ku Dhintay Iyo Xaaladda Wakhtigan
Laascaanood(Berberatoday.com)-Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa gurmad nabadeed u tagey deegaanka Dharkeyn-geeye oo ay dirir collaadeed ku dhexmartay laba beelood oo reer Somaliland ah, isla-markaana la wareegay Ammaanka guud ee deegaankaasi, iyadoo guddida nabadgelyada gobolka sool-na soo saartay go’aamo nabadda lagu sugayo.
Guddoomiyaha Gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo Wargeyska Himilo khadka taleefanka kula xidhiidhay Xalay, ayaa faahfaahin ka bixiyey xaaladda collaadeed ee ka alloosan deegaanka Dharkayn-geeye iyo guud ahaanba Gobolka Sool.