Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Geerida Khabiir Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Ka Tirsanaa Oo Ku Naf Waayay Qaraxii Muqdisho Ee Hotel Ambassador
June 5, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa Dhambaallo Tacsiyo ah u kala dirtay laba Dhakhtar oo Ka hawl-gelijiray wasaaradda xanaannada xoollaha somaliland, kuwaasi oo midkood ka mid ahaa dadkii ku naf waayay qaraxii toddobaadkii hore ay Alshabaab Sheegatay ee lala beegsaday Hotel-ka Ambassador ee ku yaalla magaalada Muqdisho, halkaas oo qarax ba’an oo galabnimadii arbacadii hore lala beegsaday hoteelkaasi ay dadkii ku dhintay kamid ahaayeen xildhibaanno.
Labadan Dhakhtar oo kamid ahaa dhakhaatiir takhasus ku ahaa caafimaadka xoollaha, ayaa magacyadoodu kala ahaayeen Dr. Maxamed Faarax Diiriye oo isagu madax ka ahaa mashruuc lagu magacaabo RASP, marxuumkaas oo safar shaqo oo uu ku tegey magaallada Muqdisho ka mid noqday dadkii degennaa hoteelka ay Alshabaab qarxisay ee Ambassador Muqdisho halkaas oo qaraxa kadib la sheegay in uu u geeriyooday xabbado rasaas ah oo mid kamid ahaa malleeshiyadii gudaha u gashay Hotelku la beegsaday isaga oo qolkiisa ku jira. Marxuumka kale ee kamidka ahaa dhakhaatiirta wasaaradda xanaannada xoollaha ee geeriyooday ayaa magaciisu ahaa Dr. Cumar Cismaan oo isagu ku geeriyooday magaallada Tog-wajaalle jimcihii lasoo dhaafay halkaas oo xanuun uu in muddo ah u jiifay.