Ciidanka Liyuu Booliska Ogaadeeniya Oo In Ka badan 35 Qof ku Dilay Tuulada Jaamac Dubad Ee Ku Taala Hawdka Gaashaamo.
Burco(Berberatoday.com)-Ciidamada federaalka itoobiyo iyo kuwo looyaqaan Newpoliska ,ayaa shalay galab in ka badan shan iyo sodon qof ku dilay tuulada Jaamac dubad ee dhinaca bari ka xigta magaalada Gaashaamo.
Wararka naga soo gaadhaya degaankaas ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay soo galeen tuuladaas ka dibna racshiirado rasaasa oo aan aanay u kala aabo yeelin ku fureen xaafadihii tuuladaas,halkaasna ay ku dhinteen dad isugu jira haween,caruur iyo rag.