Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Gobolka Saaxil Oo Cambaareysay Xadhiga Afhayeenka Ururka Muwaafiqo
June 7, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha xisbiga Ucid ee Gobolka Saaxil Marwo Rooda Axmed Yaasin ayaa si kulul u Cambaareysay xadhiga Xukuumadda Somaliland ay kula kacday Afhayeenkii Ururka Muwaafiqo Nuuradiin Ibraahin Aw Cabdi oo kamid ah guddida qaban-qaabada shirka Beesha Ciise Muuse, kaasoo caawa Ciidamada Aamaanku Xabsiga u taxaabeen.