Madaxweynaha Turkiga Iyo Boqorka Dalka Jordan Oo Ka Qeyb Galaya Aaska Feedhyahanka Maxamed Cali Kalaay
June 7, 2016 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan iyo boqorka Jordan Boqor Cabdallah ayaa imanaya dalkan Maraykanka si ay uga qeybgalaan aaaska feeryahankii hore ee Maraykanka Maxamed Ali Kalaay oo toddobaadkii hore dhammaadkii geeriyooday.
Afhayeenka qoyska Maxamed Cali Kalaay oo hadalkaas ku dhawaaqay ayaa sheegay in aaska Maxamed uu ka dhici doono magaalada Louisville ee gobolka Kentucky maalinta jimcaha ah.
Munaasabadda ayaa lagu qaban doono garoon ciyaaraha ah oo 22 kun oo kuraas ah leh, waxaana maydka Maxamed Cali la marsiin doonaa wadooyinka magaalada, iyadoo sidoo kale munaasabadda online-ka si toos ah looga daawan doono.