berberatoday.com
Masuuliyiinta Xisbiyada WADDANI Iyo KULMIYE Oo Dadaal Xoogan Ugu Jira Sidii Uu Xisbi Kastaaba U Kasban Lahaa Qalbiga Mujaahid Axmed Mire Oo Socdaal Ku jooga Magalada Hargeysa
June 7, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.net)-Masuuliyiinta saddexda xisbi qaran Ee WADANI< KULMIYE iyo UCID ayaa dadal dheer ugu jira sidii mid kastaaba uu kasban lahaa qalbiga mujaahid Axmed Mire oo kamid ahaa halgamayaashii halganka dheer usoo galay dib u xoreynta jamhuuriyada Somaliland oo  maalmihii u danbeeyeyba ku sugan dalka Somaliland.

kulmiye and waddani

Waxaana masuuliyiinta xisbiyadu ay mid kastaaba ku dadaalayaa sidii uu usoo xero galin lahaa mujaahid isla markaana uu uga mid noqon lahaa xisbiga.

Xukumadda Somaliland iyo xisbiga KULMIYE ayaa iyagu geed dheer miyo mid gaabanba u Korey sidii ay usoo xero galin lahaayeen mujahidku isla markaana uu uga mid noqon lahaa xisbiga KULMIYE,waxaana waraar ay helayso shabakada Ramaasnews ay sheegayaan in kulamo hoose dhex maray mujaahid Axmed Mire iyo gudoomiye Muusse Biixi iyo waliba xubno wasiiro ah oo ka tirsan xukumadda Somaliland isla markaana la sheegay inay usoo bandhigeen inuu kusoo biiro xisbiga KULMIYE madaama uu hogaaminayo gudoomiye Muuse oo sida ay shegeen halgan dheer so wada galay.

Balse wali ma cadda inuu mujaahid Axmed Mire ka aqbalay codsigaa iyo in kale.

Sidoo kalena waxa iyaduna xusid mudan in xisbiga WADANI uu isna dadaal ugu jiro sidii uu ugu  soo biiro lahaa mujaahidku iyaga oo sidoo kalena l sheegay inay kulamo u balansan yihiin masuuliyiinta wadani iyo mid gaar ahaaneed oo ay wada yeelanayaan gudoomiye Cirro iyo mujaahid Axmed Mire balse waxaan wali la garanayn natiijada kasoo baxi doonta kulamadaa ay wada yeeshaan .

Soo dhawayntii Mujaahid Axmed oo muddo dhawr iyo labaatan sanno ah kadib dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxa si wayn uga dhex muuqday masuuliyiinta xisbiyada wallow ay xusid mudan tahay sida lasheegay in gudoomiye Muuse ka cadhooday isla markaana dib uga noqday madaarka kadib markii ay ciidamada ilaalad madaarku u diideen inuu gadhi uu watay dhigo meel kale iyaga oo ay ciidamadu u sheegeen inuu dhigo meel loo asteeyey masuuliyiinta balse sida la sheegay uu ka dhago adaygay guudomiye Muuse.

Gabagabadiina waxaan ilaa hada la garanayn natiijada kasoo baxaysa kulmada ay masuuliyintani la yeeshan mujaahid Axmed Mire, iyada oo bulshada Somaliland ay aad u qaada dhigayaan hadal haynta mujaahid ee ah xisbigee ayuu ku biiri doonaa

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews