War Deg deg”Dadweyne Gadoodsan Oo Usoo Aaray Dadkii Ay Xasuuqeen Ciidamada Liyuu Booliska Ogaadeeniya Oo Maanta Qudha Ka Jaray 50 Askari Oo LIYUU Boolis Ah.
June 7, 2016 - Written by Berbera Today
Gaashaamo(Berberatoday.com)-dadweyne is hubeeyey ayaa jid-goyn u galay Kolonyo Gaadiidka Ciidamada Liyuu Booliska Kililka shanaad ee Itoobiya, kuwaasoo qarax u dhigay meel waddo ah, kuna laayey Ciidamo badan, halka kuwo kalena ay maxaabiis ahaan ku qabteen.
Cidamada la laayey ayaa ahaa kuwii shalay Xasuuqa Ka Gaystay Tuulada Jaamac Dubad, iyadoo maanta iyagan lagu Xasuuqay Duleedka Tuulada Xaashi Cagole, Waxaa la sheegay in lagu Gubay Baabuurtii ay wateen Tirada dhimashada ee hada hayaa ayaa ah Inkabadan 50 Askari, waxana la sheegay Intii Badbaadayna Loo haysto Maxaabiis, marka laga reebo Tiro yar oo Ka baxsaday.
Wixii Warar ah ee kasoo Kordha…
Xigasho Xogreebnews.com