berberatoday.com
“Xadhigga Nuuradiin Diini waa mid aan xeer iyo xuquuqna ku fadhiyin..Xadhiggiisa cod dheer ayaanu ku cambaaraynnay” Abwaan Siciid M. Gahayr
June 7, 2016 - Written by Berbera Today

“Cadceed galabeedku Hoggay cidhif joogto Dan bay ugu ciiri” Abwaan Marxuun Gaarriye

“Cadceed galabeedku
Hoggay cidhif joogto
Dan bay ugu ciiri” Abwaan Marxuun Gaarriye
Xadhigga Nuuradiin Diini waa mid aan xeer iyo xuquuqna ku fadhiyin. Saw tii aanu hore uga hadalnay heshiiska dekedda Berbera lagu wareejinayo. Miyaannaan odhan:
“Deyr iyo markii fooq la cunay, daarna lagu boobay
Dantii guud markii gaws la dhigay, diirti may tegine
Korontada dillaal gaar ah baa, deyrta leexsadaye
Markii dulinku haamaha lunsaday, daadkii sii socoye
‘Dekeddina xaraash weeye’ buu, doorkan leeyahaye
Daaquudki maantuu Berbera, duunyo dhaafsadaye”
 
Hadraawi shan gu’ oo 1973-1978 ah ayuu Qansax-dheere ku xidhnaa. Isaga oo aan aragtidiisa la doorin ayuu soo baxay. Nelson Mandella 27 gu’ ayuu Jasiiradda Roben Island ku xayirnaa. Isaga oo aan fekerkiisa la beddelin ayuu jeelka ka soo baxay. Lix jeer ayaa 2014kii gudaha la i dhigay. Aniga oo laabta garaacaya ayaan dibadda imi. Bal waa cidda xadhig iyo xabbad isku dhiibta!
Waxa aan leeyahay xukuumadda wakhtigeedii sharciga ahaa wuu dhammaaday. Ummaddu shan gu’ ayay dooratay. Imakana heshiis xal ah oo ay 82 qof sameeyeen ayay dalka ugu taliyaan. Ha daayaan xagxagashada. Walaalkayna sharaf ayaa uga kordhaysa xadhigga. Isaga oo sumacad iyo derejo helay ayuu soo baxayaa. Xadhiggiisa cod dheer ayaanu ku cambaaraynnay haddaanu nahay inta samaha jecel. Inta dulmiga neceb. Inta boobka diiddan. Inta sharciga dhawrta… Inta… Inta….
Hadday doonaan Siciid Maxamuud Gahayr , Hamud Duale, Dubad Gacayte, Axmed Qaddaad-wagareed, Maxamed Siddiiq Dhamme iyo rag badan oo kalena ha ku daraan..
Abwaan Siciid M. Gahayr
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews